Golaha Wasiirada Puntland oo shirkoodii maantay ku balan qaaday in si dhakhso ah wax looga qaban doono wadada isku xirta Caluula iyo Baargaal iyo dayactir lagu samaynaayo daartii boqor cismaan ee Baargaal

Manta oo ay taariikhdu tahay 3 bisha july 2014 waxaa xarunta madaxtooyada puntlnad ku shiray golaha wasiirada dawladda puntland waxaana ka soo baxay qodobo dhawr ah

Marka hore Madaxweynaha waxaa uu ka war bixiyey safaradii uu ku kala bixiyey dalalka Imaaraadka ,Jabouti iyo Kenya

Intaasi kadib Goluhu wuxuu dhegeystay warbixin laga keenay gobolka Gardafuu Wuxuu balan qaaday in si dhakhso ah wax looga qaban doono baahida ugu muhiimsan ee dhinaca wadada isku xirta Caluula iyo Baargaal sidoo kale
waxaa goluhu amar ku bixiyeyin sida ugu dhaqsaha badan loo dayac tiro goobihii taariikhiga ahaa sida daartii boqor cismaan iyo goobaha kale ee taariikhiga ah ee puntland ku yaal.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain