Axmed Madoobe iyo Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Somalia oo wada-qaatay kulan xasaasi ah (Daawo Sawirada)

Waxaa Magaalada Kismaayo ku sugan Wafidii uu hogaminayo Danjiraha Dalka imaaradka Carabta u qaabilsan Wadanka Somalia Maxamed Axmed Al-Cismaan, iyadoona ay si diiran garoonka ugu soo dhaweeyen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG Jubba oo uu horkacaayay Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Warsame Faarax iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.

Soo dhaweyn diiran kadib ayaa waxa uu Danjiraha Gudaha Garoonka kula kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka oo uu kamid ahaa Madaxweynaha KMG Jubba Axmed Madoobe, waxaana la sheegayaa inay kawada hadleen Arrimo badan oo kala ah Shirka dib u heshiisiinta, dhaqaalaha, Amniga iyo gargaarka, iyadoona Axmed Madoobe iyo Danjiraha ay isla meel-dhigeen qodobadii ay kawada hadleen oo aan loosii faah-faahin warbaahinta.

Danjiraha dowlada Isutaga Imaaradka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cismaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu hooska ka xariiqay inuu aad u wayn yahay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta,waxaana intaas ku daray inay dhawaan gobolada Jubooyinka ka bilaabi doonaan mashaariic horumarineed maadaama ay gobolaasi ka mid yihiin kuwa kheyraadka iyo dhul-beereedka ku haboon.

Dhanka kale, Madaxwaynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa isna si weyn uga mahad celiyay imaatinka wafdigan ka socday dowladda Imaaradka Carabta, waxaana uu tilmaamay inay yihiin waftigii Carbeed ee mudo 20 sano ka badan soo booqda Jubooyinka waxaana uu ku amaanay doorka muuqda ee Hiilka iyo Hooda ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka Horumarinta iyo dib-dhiska.



BAARGAAL.NET
Xafiiska Baargaal- Gobolka Gardafuu
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain