Baargaal: Xaflad Lagu abaalmariyay Ardayda ugu saraysay dugsiga Daar cumar asad (sawiro)

Xaflad weyn oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Dugsiga Xifdinta Quraanka kariimka ee Daar Cumar asad ee ku yaala Degmada baargaal.

Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay maamulka dugsiga, iyadoo lagu soo bandhigay heerka waxbarashada dugsigu gaartay iyo horumarka ay sameeyeen ardayda dugsiga daar cumar asad,

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Nabadoono , Ganacsato , Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf (indhacade ) ,gudoomiye ku xigayna degmada yusuf maxamed xirsi Xooghayaha Degmada , Daahir muuse cali waalidiinta dhalay ubadka wax ka barta dugsiga Daar-cumar Asad , macalimiinta, iyo maamulka dugsiga,waxaana halkaasi laga soo jeediyay khudbado dhiirigelin ah ,

ugu horaynti waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda dugsiga Daar cumar asad Kadib waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Mire C/raxamaan Asagoo soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay Maamulaha Dugsiga Daar cumar asad ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee dugsigu soo maray iyo heerka ay maanta gaarsiisantahay waxbarashadiisu, maamulaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimada xafladu tahay sidii waalidiinta loogu qancin lahaa heerka waxbarasho ee ardayda wax ka barata dugsiga Daar cumar asad oo kamid ah dugsiyada ugu waawayn degmada baargaal , asagoo dhinaca kale ballan qaaday inay sii wadi doonaan dadaalka,

Waxaa kadib makarafoonka qabsaday Nabadoon Axmed salaad c/raxmaan ,asagoo u hanbalyeeyay ardayda kaalmaha sare galay ee maanta la abaalmarinaayo ,kuna dhiiri galiyay ardayda kale inay ku daydaan oo aqoonta tarbiyad ku darsadaan

kadib waxaa hadalka qabsaday gudoomiyaha cusub ee degmada baargaal Abuukar axmed Yuusuf asagoo u hambalyeeyay ardayda iyo waalidiinta maantay caruurtoodu la abaalmarinayo kana hadlay ahamiyada waxbarashada iyo doorka dugsiga asagoo dhinaciisa ballan qaaday inay doorkii uga soo aada ay si fiican uga qayb qaadanaayaan

waxaa isna meesha ka hadlay axmed siciid ibraahim oo u hadlay waalidiinta ilmahoodu dugsiga wax ka bartaan asagoo ballan qaaday inay la shaqayn doonaan macalimiinta.

waxaa isna khudbad dheer oo ku saabsanayd xifdinta iyo barashada culuumta islaamiga ah kasoo jeediyay madasha Shiikh Bootaan Muuse asagoo aad aad ula hadlay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada

intaas kadib ayaa Gudoomiyaha degmada iyo nabadoon axmed salaad c/raxmaan abaal mariniyo isugu jira lacag iyo kutub iyo hadiyado kale gudoonsiyeen ardaydii kaalmaha sare ka galay dugsiga daar cumar Asad.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Developed by Jago Desain