Biyo La’aan Baahsan Oo Ka Jirta Degaano ka tirsan Degmada Baargaal ee Gobolka Bari (Sawiro)

Deegaamo hoos yimaada Degmada Baargaal ee Gobolka Bari ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan biyo la'aan xoogan taas oo sababtay in dadka biyo ka raadsadaan deegaano fog fog Goobaha ay degan yihiin.

Deegaamada ay biyo la'aanta ka jirto ayaa waxaa ka mid ah deegaanada Qoraxaad, Muudiye, Hoosin gaabo , Binna,Taageer, waadi khayr iyo miyiga deegaanadaas oo xoola dhaqatadu cabasha xoogan muujiyeen.

Xaaladan biyo la'aaneed ee soo food saartay degaanadaas hoos taga Degmada Baargaal ayaa ka dhalatay kadib markii uu deegaanka roobkii gu'ga sicfiican uga di'in iyo sidoo kale degaanadaas oo marka horeba aan lahayn ceelal biyood Sidaa darteedna bulshada degaanadaas ku dhaqani markooda horeba ay u biyo doonan jireen berkadaha balse xiligan ay dhammaan maran yihiin beraagihii degaanadaas iyo kuwii nawaaxigooda ahaa

Saamaynta Ugu ween arintan ayaa waxay ku yeelatay Xoolaha ay dhaqdaan dadka deegaanka oo ah Furaha nolosha dadka Ku nool Degaanadaas oo haddii aan la helin biyo ay awoodaan helitaankooda ay dantu ku kalifi doonto in ay isaga barakacaan oo ay u cararaan Meel ay biyo ka heli karaan.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain