Faahfaahin labo ruux oo lagu dilay degmada Iskushuban

Masuuliyiin ka tirsan dawlada Puntland oo kasoo jeeda Gobolka Bari oo faahfaahin ka bixiyay sida ay wax uga dhaceen shalay degmada Iskushuban ee Gobolka Bari iyo qaabka ay kusoo bilaamatey xiisadda ka taagan halkaas.

Waxayna sheegeen masuuliyiintaasi inay kala yihiin labada ruux ee la dilay askari ka tirsanaa saldhiga ciidanka badda Puntland ay ku leeyihiin Iskushuban halka uu midka kalena uu ka mid ahaa ilaalada Suldaan beel kamid ah beelaha xurguftu dhex taal, kuwaas oo uu si kedis ah rasaas ugu furey nin hubaysan oo dhaawac sidoo kale u geystay qof saddexaad oo hadda lagu dabiibayo Bosaso.

Waxayna kusoo beegmatay dhacdadani xilli ay gaareen subaxnimadii horre ee shalay degmada Iskushuban ergo uu ka direy Bosaso Gudoomiyaha Gobolka Bari kuwaas oo uu qeyb ka ahaa socdaalkooda Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari

Horay waxaa u socotay waanwaanta iyo ka heshiinta dil loo geystey labo nin oo xoolo dhaqato ahaa todobaadkii horre kuwaas oo ay heyb wadaageen labada qof ee maanta lagu dilay Iskushuban.

BAARGAAL.NET
Isha wararka & horumarka Deegaanada calbari
Developed by Jago Desain