Wadanka Vietnam oo la sheegay inuu yahay dalka ugu badan ee lagu qasho hilibka Eyga (Sawiro)

Hay´adaha u dooda xuquuda Xayawaanaadka ayaa markii ugu horeeysay shir balaaran oo ay ku yeesheen dalka Switzerland waxeey si toos ah u cambaareeyeen mid ka mid ah dalalka Caalamka ugu caansan oo hilibka Eeyaha maalin kasta lagu qasho waxeeyna Hay´adahaan soo bandhigeen cadeeynta Sawiro aad u fara badan.

Wadanka Vietnam ayaa lagu sheegay inuu yahay dalka ugu badan ee lagu qasho maalin kasta hilibka Eeyga waxaana warbixintaan si wada jir ah u soo bandhigay Hay´adaha kala ah Network for Animal Protection (NetAP) iyo Asia Canine Protection Alliance (ACPA) .

Ma ahan dalka Vietnam oo kaliyah halka lagu qasho ama lagu cuno hilibka Eeyga balse wadamada China iyo Thailand ayaa sidoo kale laga cunaa hilibka Eeyga in kastoo shacabka dalka Vietnam lagu eedeeyay inay Eeyihii ka dhameeyeen magaalooyinka waa weeyn ka dibna uga daba tageen baadiyaha si ay u qashaan ama hilibka Eeyga uga ganacsadaan .



Shabakadda Baargaal.net
Xafiiska Baargaal, Gardafuu
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain