Xaflad loo sameeyey tartamayaashii xaafada Sandhuubo Baargaal ee ku guuleysatey tartankii Kediska SBC

Xaflad lagu maamuusayay guusha ay tartamayaasha Xaafada sandhuubo Baargaal ka gaareen Barnaamijka Tartan Aqooneedka Kediska Bisha ramadaan ee SBC ayaa lagu qabtay xarunta Dawlada hoose ee Degmada Baargaal.

Xafladdan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha gudiga tartanka xaafada sandhuubo Baargaal mudane Bootaan Muuse Maxamed oo tilmaamay in tartankii bisha ramadaan uu ahaa mid si qurux badan ku dhamaaday wuxuuna u Mahadceliyay shirkadaha gacanta ka gaysatay tartanka aqoonta iyo gudiga tartankan soo agaasimay.

Bootaan muuse ayaa ku tilmaamay guusha ay gaaratay xaafada sandhuubo mid u soo hoyatay dhamaan bulsho waynta Baargaal maantayna ay la qaybsanaayaan farxada guusha taageerayaashooda.

Waxaa sidoo kale madasha xaflada ka hadlay gudoomiye ku xigaynka degmada Baargaal yuusuf maxamed xirsi asagoo marka hore hamblyo kal iyo laab ah u diray tartamayaasha xaafada sandhuubo ee guushaas soo hoyay asagoo dhinaca kale tilmaamay siduu ugu faraxsan yahay qeybta weyn ee barnaamajka kediska SBC uga qayb qaatay isdhexgalka bulshada iyo aqoon kororsiga.

Intaasi kadib waxaa khadka taleefanka kaga soo qaybgalay xaflada Gudoomiyaha Tartanka SBC Sheekh Liibaan Mashruuc asagoo marka hore u hambalyeeyay xaafada sandhuubo tartamayaal iyo taageerayaalba asagoo ku booriyay inay xoogga saaraan waxbarashada dadaalkoodana sii laba jibaaraan.

Waxaa asaguna khadka taleefanka kaga soo qaybgalay beeldaaje ismaaciil beeldaaje yaasiin asagoo u hambalyeey xaafada sandhuubo asoo sheegay inuu ku sugnaa Degmada waaciye xafladii final indhihiisa ku arkay wacdarii ay soo bandhigeen dhalinta xaafada sandhuubo halkaasi u tagtay.

Xafladdan lagu maamuusaayay koobka Tartan Aqooneedka Kediska Bisha ramadaan ee SBC ay xaafada sandhuubo Baargaal sanadka ku guulaystay ayaa ku soo idlaatay jawi qurux badan waxaa xusid mudan inay ka soo qeybagaleen mas`uuliyiin badan oo uu horkacayay Guddoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmed yuusuf iyo marti sharaf kaloo badan.



Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain