C/Qaadir Maxamed Jaamac (C/qaadir Caato) oo loo Magacaabay Isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu

Wareegto ka soo baxday xafiisyada Wasaarada Arimaha Gudaha D. Hoose & H.H Miyiga & Wasaarada Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dawlada Puntland ayaa lagu magacaabay Isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu.

Isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu ayaa loo magacaabay C/Qaadir Maxamed Jaamac (C/qaadir Caato) oo mudo ka soo shaqeynayay Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal islamarkaana khabiir ku ah Hawlaha dawladaha hoose oo lagu xusuusto inuu ka soo Noqday Xoghaye Dawlada Hoose Ee Degmada Baargaal.

Bulshada ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Gardafuu iyo shaqaalaha ka shaqeeya Dawladaha Hoose ee deegaanada iyo degmooyinka gobalka Gardafuu iyo police-ka ayaa soo dhaweeyay C/Qaadir Maxamed Jaamac (C/qaadir Caato) xilka Isuduwaha arimaha gudaha &Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu ee loo magacaabay iyagoo u rajeeyay in xilkaasi uu ku guulaysto.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari

Taabo sawirka wareegtada si aad u waynayso

Developed by Jago Desain