Posts

Dagaal Somaliland iyo Puntland Ku Dhex Maray Dhahar oo khasaaro dhaliyay

Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamadda Puntland iyo Somaliland ayaa ka qarxay Magaaladda Dhahar ee Gobalka Sanaag ,sida ay innoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi.

Dirirta ayaa timid ka dib markii Magaaladda Dhahar ay gaareen Xubno ka tirsan Puntland oo doonayay inney Gole Degaan ka hirgeliyaan Degmadda Dhahar ee Gobalka Sanaag.

Sarkaal Caafimaad oo ku sugan Degmadda Dhahar ayaa warbaahinta u Sheegay in Dagaalka ay ku nafwaayeen 2 Askari oo ka kala tirsanaa Puntland iyo Somaliland.

Dagaalka ayaa bilowday Galabnimo,waxaana Caawa Magaaladda Dhahar laga maqlayaa Rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayeen Askartii Dagaalamaysay.
Ilaa hada ma jiaan labada dhinac Somaliland iyo Puntland oo ka hadlay Dagaalkaan oo ku qarxay si kedis ah oo aan horay loo sii qorsheen.

BAARGAAL.NET
War Deg Deg ah
Developed by Jago Desain