DEG DEG: Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya oo Xilkii Laga Qaaday

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed,

Shirkaas ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka, iyadoo golaha Wasiiradu xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay shirka golaha Wasiirrada in warbixin ku aadan amniga guud ee dalka laga dhageystay Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

"Kulankii maanta ee golaha Wasiirada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, waxaa warbixin ku aadan amniga dalka iyo dadaalada ay Xukuumaddu wado ee la xiriira amniga laga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga waxayna soo saareen feejignaan gaar ah in masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ay yeeshaan kaddib dilkii hoggaamiyihii kooxda Al-shabaab, goluhu wuxu soo dhaweeyay howlgallada ay wadaan Ciidamadda Xogga dalka iyo AMSIOM ee ka socda gobollada dalka" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in xilkii agaasimaha Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya laga qaaday Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si ku-meel gaar ahna xilkaasi loogu dhiibay ku xigeenkiisa.

"Golaha Wasiirradu waxay xilkii ka qaadeen Agaasimihii Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxana si KMG ah loogu dhiibay xilkaas inuu sii hayo ku xigeenka Hay'adda Nabadsugidda

Mr Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya oo bishii July uu magacaabay xilka Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Lama oga waxaa uu ka yeeli doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo aan la ogeysiinin talaabada ay qaadan Golaha Wasiirada.

BAARGAAL News
E-mail: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain