Deg deg: xarakada Al shabaab oo u magacawday Axmed Cumar Abu Cubayda Hogaamiyahooda Cusub

Bayaan Goordhow kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Kooxda Al shabaab ayaa lagu xaqiijiyay Geerida Axmed Godane, iyadoo sidoo kale Kooxda ay ku dhawaaqday Hogaamiyeheeda Cusub.

Hogaamiyaha Cusub ee Kooxda Al shabaab ayaa loo magacaabay Axmed Cumar Abu Cubayda, waxaan uu noqonayaa kii 3-aad oo Al shabaab yeelata.

Hogaamiyaha Cusub waa Nin si aad ah looga yaqaan Saaxadda Soomaaliya. Axmed Cumar Abu Cubayda waxa uu ahaa Maclin Dugsi Qur'aan, waxaana uu markii danbe noqday Wakiilka Al shabaab ee Gobolada Baay & Bakool.

Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Kooxda Al shabaab ayaa xaqiijiyay sidoo kale Warka ku saabsan in Axmed Godane & Labo Horjooge oo kale ay ku dhinteen Duqeyntii Mareykanka ee Gobolka Sh/Hoose.
Cali Dheere waxa uu ku hanjabay in Al shabaab samayn doonto Weerar ay ugu aargudi doonaan Dilka Hogaamiyahooda.

BAARGAAL NEWS
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain