Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo maanta Boosaaso si wayn loogu soo Dhoweyey (SAWIRO)

Soo dhawaynta Gudoomiyaha Gobalka Gardafuu Ee Puntland Mudane Cabdi qaadir yuusuf Maxamed iidi ayaa Maanta si wayn looga Dareemay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Dhaqaalaha Dowlada Puntland ,

Waxaana Ka qaybgalay Maamulka Gobalka Bari iyo Qaybaha Kaladuwan Ee Bulshada Ka soojeeda Gobalka Gardafuu Ee kunool Magaalda Bosaso Kuwaasi oo isugu jira Odayaal dhaqamed, Isimo, Aqoonyahano, Dhalin yaro iyo Haween , Waxaana Ay Kaga hortageen Afaafka hore Laga Soogalo magaalda Boosaaso.

Dadwayne aad u far badan ayaa soo dhawaynaayay gudoomiyaha Ayagoo Sitay Calanka Dowlada puntland iyo Caleemo qoyan ,Waxaan Ay ku dhawaaqaayeen eroyo Ay ku soodhawaynayaa Gudoomiyaha , Kuwo Ay Kaga Hadlaayaan Hormarka iyo Barwaaqada Eebo Ku Manaystay Gobalka Gardafuu.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobalka Bari yuusuf Muumin Bidde Oo qaybka Ahaa Masuuliyiintii Soodhawaysay Gudoomiyaha Gobalka Gardafuuu Mudane Cabdi qaadir yuusuf Maxamed iidi oo kahadaly goobtii lagu soodhaweeyay

Gudoomiyaha Ayaa sheegay In S ikal Iyo laab ah ay ugu soodhawaynaayaan Gudoomiyaha Guud ahaan Gobalka Bari Gaar Ahaan Magaalda Boosaaso oo uu Maanta Soogaaray.

'' Anigoo Ku Hadlaaya Magaca Gobalka Bari Waxaan kugu soo dhawaynaynaa Magaca iyo Shafarka uu leeyahay Gobalka Bari, Waxaa halkan isugu yimid shacabka kasoo jeeda gobalka Gardafuu Ee kunool Bosaso, Waxaanu ku leenahay dhamaantayada ku soodhawoo boosaaso oo xarunta dhaqaalaha puntland , waxaan kuu rajanaynaa in uu Alle Kuufudu deeyo xilka" Ayuu yiri Muadane Yuusuf Muumin

Gudoomiyaha Gobalka Gardafuu Cabdi qaadir yuusuf Maxamed oo dhankiisa lahadaly dadawaynihiii Faraha Badnaa Ee Ku soo dhaweeyay Magaalda Boosaaso Ayaa ugu Horeen ugu Mahad celiyay Sida quruxda Badan ee ugu Soo dhaweeyeen Boosaaso , gudoomiyaha Ayaa docda kale Ka hadaly Wax yaabaha uqorshaysan in uu Ka qabto Gobalka Gardafuu ,Isla markaan Waxa uu ugu baaqay Dadka Ka soojeeda GobalkaIn ay yimaadaan Deegaanka Kana wada shaqeeyaan Hormarka Gobalka.

'' Waxaan ugu Horeen Idin kaga Mahadcelinayaa Sida Diiran ee aad boosaaso iigu soodhawayseen oo aad saacado badan qoraxda iigu taagnaydeen , Waxaan u imid in aan idiin shaqeeyo run ahaantii si tabarucaad ah oo aan har iyo habeen idiin shaqeeyo xaqiiqdiina waxaan rabaa in aan sigaar ah ugu shaqeeyo Caruurta iyo haweenka Gobalka ,

Waxaan ugu baaqayaa dadka kasoojeeda deegaanka ee kunool dalka iyo dibadiisa in ay yimaadaan deegaanka kana shaqeeyaan hormarka Gobalka '' Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Gardafuu



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain