Hotel Cusub oo laga furay Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu {Sawiro}

Munaasabad lagu furayay Hotel cusub ayna ka soo qeyb galeen marti sharaf kala duwan oo ka kooban qaybaha ka gadisan ee bulshada,oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmad yuusuf, kuxigeenkiisa iyo xoghayaha Degmada Baargaal Nabadoono, culima udiin, ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa maanta ka dhacday dhismaha hotelka cusub ee Salaama Hotel ee Baargaal.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Baargaal yusuf maxamed xirsi oo munaasibada ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in degmada laga furo hotel noocaan oo kale ah taa uu tilmaamay in qeyb ay ka tahay horumarada ay ku tilaabsaneyso magaalada Baargaal,isagoo xusay hotelkani wax badan muhiim uu ugu yahay magaalada.

Nabdoon Axmad salaad C/raxmaan oo isna ka hadlay Munaasibada ayaa Sheegay Inuu Ugu Hambalyaynaayo Mulkiilaha hotelka maalgashaday Dalkiisa Isagoo Intaa ku daray Inuu Hotelka Salaama yahay Mid ay Bulshadu u Baahnayd wuxuuna Ilaahay uga Baryay Inuu u Barakeeyo Ganacsigiisa.

Guddoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmad yuusuf oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan furitaanka hotelka cusub isagoo intaasi ku daray in dhismaha Hoteelkaan waxa weyn ka badalay bilicda magaalada Baargaal,waxuuna ganacsatada ka soo jeeda Gobolka Gardafu ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan Deegaanka.

Gabagabadii munaasabada ayaa mulkiilaha Salaama hotel Cumar Maxamuud axmad ( Cumar Qariib)wuxuu marti sharaftii ka soo qaybgashay munaasabada kormeer ku tusay qaybaha uu ka koobanyahay hoteelku.

Cumar Maxamuud axmad (Cumar Qariib) ayaa sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada dooneysa iney Salaama Hotel la macaamilaan sida qurba-joogta, ganacsatada, waxgaradka masuuliyiinta, ururada bulshada iyo dhamaan cidii daneyneysa hotelka.

Hotelka Salaama Hotel ayaa ka mid noqonaya dhismayaasha quruxda badan ee qeybta ka ah horumarada kala duwan ee ay ku talaabsaneysay magaalada Baargaal, iyadoo furitaanka Salaama Hotel ay soo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain