Hotel & Resturant Salaama oo laga furay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu {Sawiro}

Hotel cusub oo la magac baxay Salaama Hotel ayaa laga furay Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu kaasoo kamid noqonaya hotelelada ugu waaweyn ee Gobolka gardafuu ka howlgala

Maamulka hotelka ayaa sheegay in Salaama Hotel uu yahay Hotel casri ah oo ka kooban qeybo kala duwan sida qeybta Restaurantiga oo laga heli karo cuntooyin kala duwan oo tayadoodu aad u sareyso iyo qaybta jiifka oo qalabaysan ayagoo qolalku isugu jiraan vip iyo local

Hotelka Salaama Hotel ayaa bulshada u haya adeegyo kala duwan oo ay u riyaaqi doonaan , wuxaana ka helaysaa maqaaxi, goob lagu qaxweeyo , goobo loo diyaariyay xafladaha ,aroosyada , martiqaayada iyo shirarka

Sidoo kale wuxuu salaama Hotel uu leeyahay baarkin la dhigto gaadiidka martida iyo macaamiisha hotelka

Maamulka hotelka ayaa sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada dooneysa iney Salaama Hotel la macaamilaan sida qurba-joogta, ganacsatada, waxgaradka masuuliyiinta, ururada bulshada iyo dhamaan cidii daneyneysa hotelka.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir maamulka hotelka
Tell:0907798675 / 7663728

Developed by Jago Desain