Madaxwayne Gaas oo Garowe Kula Kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta xafiiskiisa Madaxtooyada ee magaalada Garoowe kula kulmay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Dunida ee FOA Rudi Van Aaken iyo Sidookale Madaxa FAO ee Puntland Maxamed Salax Al-sudani.

Kulanka ayaa mudadii uu socday waxaa looga hadlay Qodobo Muhiim ah oo ay kamid ahaayen:-

1:Dar Dar galinta Mashaariicda Horumarineed ee ay Hay'adda FAO kawado gudaha Puntland, iyo sidoo kale mashaariic ay ka mid yihiin
Kalluumaysiga,Daweynta Xoolaha iyo Waliba Talaalka.

2:Suuqyada Kalluunka,Xoolaha, Hagaajinta Jidka isku Xira Eyl iyo wadada dheer ee laamiga.

3:Dhisida Xarumo loogu talagalay in la dhigo Talaagadaha lagu Qaboojiyo Kalluunka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Rudi Van Aaken ayaa isku afgartay in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban,si ay u noqdaan mashaariic ay ka faa'iidaystaan Shacabka Puntland.



Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain