Talo iyo tilmaan ku Socota Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed (iidi)

Talo iyo tilmaan ku Socota Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gardafuu C/qaadir Yuusuf Maxamed (iidi)

Asalamu calaykum Mudane Gudoomiye,
Salaan kadib, waxaan kuugu hambalyaynayaa xilka uu Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas kuu magacaabay, waa xil culus oo hawshiisa leh, ilaahay hakuu fududeeyo. Aamiin.

Waxaan filayaa dhamaan dadka Gobolka Gardafuu inay ka siman yihiin ducada iyo soo dhaweyntaba.

Mudane gudoomiye in badan ayay Bulshada Gobolka gardafuu iyo Dhamaan Puntland ku ogaayeen intaad England joogtay iyo intii aad kamid noqotay Gudiyada horumarka Deegaanka ,Waxaa lagugu bartay ama dadkuba kugu yaqaaneen inaad tahay nin aad u qunyar socod ah, af gaaban, karti badan, in badana ka dharagsan oo waayo aragnimo u leh siyaasada iyo xaalada dhaqan-dhaqaale ee dalka ka jirta.

Sida aad ogtahay ama aad la socota Gobolka Gardafuu wuxuu kamidyahay Gobolada Puntland ee curdinka ah ama dhawaan darajada Gobolnimada qaatay.
Waa Gobol qani ah dhinaca wax-soosaarka beeraha iyo xoolahaba iyo waliba khayraadka badda. waa gobol kamid ah ka gobollada ugu hodansan Puntland.

Mudane Gudoomiye,C/qaadir Yuusuf Maxamed (iidi) intaas hadii aan ku dhaafo soo dhawaynta iyo marxabaynta Waxaay dulucda warqadan furan ee aan saxaafada kuusoo mariyay ujeedadeedu ka kooban tahay dhowr qodob oo aan is leeyahay tilmaan iyo tusaale ayay kuu noqon karaan. Lagana yaabo inay yihiin qodobadaasi meelahii uu Gudoomiyihii kaa horeeyay ku simbiriirixday ama uu ka ilduufay.

Talada Koowaad; Sifaha wanaagsan ee maamulka ayaa astaantiisu tahay in marka qof meel masuul looga dhigo, inuu xukumka iyo talada ka qayb galiyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida Madaxda dhaqanka Aqoonyahanka iyo wax-garadka, Dumarka dhalinyada iyo cid kasta oo kamid ah bulshada masuulka looga dhigay. Waxa rajaynayaa inaad talada wadaag ka dhigi doonto intii suurto gal ah,

Talada labaad; in badan waxaa dhacda in madaxdu hawsha ay bulshada u qabanayaan ka dhigaan mid sir ah oo aan bulshada la ogaysiin hawsha loo qabanayo , oo inta wax la iska alifo aanay bulshadu u baahnayn dusha laga keeno iyada oo aan bulshada laba weydiinayn waxa ay u baahan yihiin ama Diraasad lagu samayn. Waxaan rajaynayaa in hawl kasta oo aad damacsantahay inaad samayso Diraasad ku qotomto ama aad dadka waraysan doonto mashaariicda ay u baahan yihiin.

Talada sadexaad; Waxaan rajaynayaa in xaalad kasta iyo dhib kasta oo gobolka ka jirta una baahan wax-ka qabad, aad wakhtigeeda la sugi doonto.

Talada afaraad; Markasta oo aad hawl qabanayso, ha ahaato khilaaf aad xalinayso ama mid wax-qabad, waxaa jira daneeyayaal ay arintani siyaabo kala duwan u saamaynayso. Waxaan rajaynayaa in aad hadba arinka markaas jira dhinacyo badan ka eego doonto, adiga oo lafa guraya cida uu saamaynta ku yeelan karo.

Talada shanaad; Gobolku waa mid dihin ah, oo u baahan in waxsoosaarkiisa laga shaqaysiiyo, waxaan rajaynayaa in aad u guntan doonto, kana hawlgali doonto inta karaankaaga ah. Degmooyinka Gobolkuna u sinaan doonaan waxqabadka. Hawlkasta oo aad maamulaysana, sinaan iyo cadaalad wax ku maamuli doonto.

Talada lixaad; Mudane Gudoomiye, Xil kasta oo loo magacaabo qof, waa masuuliyad u baahan inuu aakhiradiisa iyo ifkaba iska ilaaliyo wixii qaloocan. Waxaan rajaynayaa inaad dadka iyo deegaanka aad madaxda utahay u fududayn doonto inay kula xisaabtamaan, si tuhunka iyo khilaafku u yaraado.

Waxaan rajaynayaa in tallo tan ka buuran, aqoonyahanka, cuqaasha iyo waxgaradka gobolku kula garab istaagi doonaan hadii eebe idmo.

Mar labaad, ilaahay ha kugu asturo xilka aad qaaday ee aadka u culus.

ALLA MAHAD LEH

Maxamed ibrahim axmed 
baargaal - Puntland state 
Developed by Jago Desain