TELEFOON IYO FACEBOOK BAA I LUMIYEY ( SHEEKO DHAB AH)

Dhamaan noloshaydii waxaa baabi'iyey telfoon waxaan ahaa gabar yar aadna u jecel dirista telefoonka waxaa maalin isoo garaacay telefoon kayagii wiil waxuuna iwaydiiyey ma taqaanaa telefoonka hebel aniguna waxaan ugu jawaabay hadal debecsan oo aan leeyahay maya ma aqaano walaal!

Waa uu soo celiyey telefoonkii dhawr goor laba sadex iyo afarba waxaana nooga bilaabantay halkaas is barasho iyo wada sheekaysi waxaanu ii sheegay markii afraad in uu aad ii jecel yahay ! uuna yahay nin fiican oo ehlu sharaf ah.

waxaan is waydiiyey sidee ayuu sharaf ugu faanayaa asagoo kugu bilaabay sheeko aan fiicanayn oo ah jacayl iyo wax la mida. Waxaa aan kala kulmay hadal aad u macaan oo uu igu soo celceliyo iyo kaftan farabadan anigana shaydaan ayaa ii sii qurxinayay .

Waxaa ay noo gaartay in aanu balano oo aanu is qaabilno waxaanu wada soconay mudo aan ka yarayn afar sano, telfoon isu diristu iyadu waa tirobeeshay oo xuduudba ma lahayn. Si fiican ayaan ugu gacan galay yaygaas runtii waa yay waanu istaahilaa macna kasta oo kelmadaasi ay keensanayso.wuxuu igu maaweelin jiray waa is guursanaynaa waxaase uu iila yimi waxaan xisaabtaba iigu jirin waxaanu igu yiri maalin ka mid ah maalmaha Isii naftaada !

Waxaanan is waydiiyey si naxdin leh ma waxaa uu doonayaa in uu baabi'iyo diintaada ,sharaftaada,dadnimadaada iyo ehelkaaga .

Waxaan ku gacan sayray codsigiisii guracnaa laakiin maxaa iga qabsaday .
Hadii aad yeeli waydo sida aan kaa rabo waan ku fadeexadin doonaa waxaan kaa dhex saari doona umada ayuu iigu jawaabay waxaanu raaciey

waan duubay dhamaan hadaladii aynu ku sheekaysan jirnay ee aad iigaga
warantay xaaladaada iyo ta reerkiina waxaanan balan kuugu qaadayaa in aan maqashiiyo dadka hadii aad I diido.
Dabadeed waan is dhiibay waxaanan noqday lax u hogaansan amarkiisa waxaan u raaci jiray meel kasata oo uu iga codsado in aan u raaco .

ISAGU WAXAA UU NOQDAY yey aniguna sabeen waxaana uu iila macaamilay si kasta oo yaydu ula macaamisho ariga ,waa ka dhergay naftaydii.

Waxaana uu ku guulaysatay yoolkiisa anigana waxaa uu baabi'iyey mustaqbalkaygii iyo diintaydii iyo sharaftii dadkayaga .

Waxuuna iigaystay dhamaan waxaas oo khasaare ah telefoonkii, hadii aan dhawri lahaa naftayda maanta waxaasi ima gaadheen.Hadii aan yaraysto ku hadalka aaladan masiibadayda keentay alla ilayn talo isuma kaa sheegto

Dhamaan waxaan ka codsanayaa gabdhaha walaalahay meelksato oo ay joogaan in ay ka taxadaraan aafada telefoonka Dibna isaga taagaan ku hadalkiisa iyo in ay kula xiriiraan cid kasta .

Waalidiintana waxaan ka codsanayaa in ay ka digtoonaadaan dhibaatada telefoonku u keenayo caruurtooda

BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain