Shirkada isgaarsiinta Golis oo dhawaan Adeega internet wireless gaarsiinaysa Degmada Baargaal

Sida lawada ogyahay magaalada Baargaal ayaa mar hore uu ka hirgalay isticmaalka internetka taasi oo ay shacabka magaalada Baargaal aad u isticmaalaan dhamaan adeegyada casriga ah ee internet-ka ama shabakadaha aadka caanka u ah ee caalamka oo dhan laga wada isticmaalo sida facebook, twitter, whatsapp iyo kuwo kale oo badan islamarkaana ay qurbajoogta kasoo jeeda magaalada Baargaal u fududaatay xiriirka ay eheladooda la xiriirayaan iyagoo marwalba email joogto ah ama chating ku hela eheladooda iyo waliba asxaabtooda.

Haddaba iyadoo ay hadda kahor isticmaalka internet-ku ku koobnaa Dail up internet guryaha ama meheradaha la gashado iyo mobile GPRS oo aan haqab tiri karin baahida loo qabo internet dheereeya ayaa waxaa wax aad loogu farxo aadna loogu bogay wararka sheegaya in shirkada isgaarsiinta Golis ku hawlan tahay inay dhawaan ka hergaliso Degmada Baargaal adeega Internet Wireless Prepaid,bulshada Baargaalna fursad u siiso inay isticmaakaan internet aad u xawaare sareeya oo wireless ah meeshay doonaana ay ku isticmaali karaan

Shirkada isgaarsiinta Golis telecom ayaa lagu yaqaana adeegyo cusub iyo waliba sida ay ugu heelantahay horumarinta adeegayada waxtarka- u- leh macaamiisheeda.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain