Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Puntland oo Xilka la Wareegay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland oo Xilka la Wareegay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Yaasiin Cali Yuusuf ayaa maanta si rasmi ah xilka loogu wareejiyey xaflad lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Boosaaso.

Xafladda xilwareejinta ayaa ,waxaa ka qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda,Aggaasimaha cusub Yaasiin Cali Yuusuf,agaasimihii hore Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi(Joocaar),Xiriiriyaha Ciidamada Bada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe,Iskaashatada Kalluumeysatada iyo marti sharaf kale.

Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi(Joocaar) oo kulanka ugu horreyn ka hadlay ayaa sheegay in maanta uu si rasmi ah xilka agaasimaha ugu wareejinayo Agaasimaha cusub Yaasiin Cali Yuusuf.
…….."'Mudanayaal iyo marwooyin halkan waxaynu isugu nimid maanta xaflad xilwareejin ah agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda kalluumeysiga oo aan ku wareejiyey xilka agaasimaha guud Mudane Yaasiin Cali Yuusuf………""ayuu yiri Joocaar.

Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi(Joocaar) ayaa madasha xaflada ka akhririyey Warbixin guud oo ku saabsan Wasaaradda kalluumeysiga shaqooyinka ay soo qabatay ,kuwa u dhiman ,hay'adaha la shaqeyntu kala dhaxeyso,deymaha lagu leeyahay iyo Mashaariicda dhawaan ay fulineyso.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ayaa ugu duceeyey Aggaasimaha cusub Yaasiin Cali Yuusuf in EEBE la garabgalo xilka loo magacaabay ee Wasaaradda.

Aggaasimaha cusub Yaasiin Cali Yuusuf ayaa isna dhankiisa sheegay in xilka lagu wareejiyey uu u gadan doono si Cadaalad iyo hawlkarnimo ah,wuxuuna si gaar ah ugu mahadnaqay Agaasimihii hore Joocaar hawsha culus ee u soo qabtay.

Aggaasimaha cusub Yaasiin Cali Yuusuf
…..""Waxaan idin ballanqaaday inaan waxqabadka horumarineed ee Wasaaradu gaartay aan halkeedii kasi wadi doono anoo ku rajo weyn in aan xaqiijin doono meel marin doono dhammaan himilooyinkii aan dooneynay in aan gaarno ……..""ayuu yiri Agaasime Yaasiin
01. ka dhowrista badaheena dhibaatooyinka isbiirsaday sida jariifka sharci darada ah iyo ku xabaalida haraafa sunta Nukliyeerka iyo qashimada kale.
02. Maareynta iyo hagaajinta shuruucda horumarineed ee kalluumeysiga iyo kheyraadka kale ee badaheena.
03. Horumarinta kalluumeysatadeena iyadoo kor loo qaadayo xirfadooda wax soo saar lana siinayo qalabka ay u baahanyihiin si ay kor ugu qaadaan dhaqaalaha dalka .

Sidoo kale wuxuu sheegay iney dhiirigelinayaan maalgashiga gudaha iyo dibadaba si loo abuuro shaqooyin cusub iyadoo laga hortagayo Tahriibka dhalinyarada .

Aggaasimaha cusub Yaasiin Cali Yuusuf ayaa tilmaamay in Wasaaradu higsaneyso iyadoo kaashaneysa ganacsatada ,waxgaradka iyo hay'adaha caalamiga ah sidii boqolkiiba sodon dhaqaalaha Puntland uga soo bixi lahaa badda iyadoo aan waxyeelo loo geysaneyn badda.

Ugu danbeyntii Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maxamed Maxamuud Gabax ayaa ku ammaanay halka uu Wasaaradda gaarsiiyey Agaasimihii hore ee Joocaar ,isagoona sidoo kale la dardaarmay agaasimaha cusub in uu la yimaado waxqabad la taaban karo

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain