Bosaso oo noqotay magaaladii u horeysay oo ku taalla Soomaaliya oo la mataanowda magaalo ku taalla dalka Mareykanka


Golaha degaanka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka ayaa meelmariyey si aqlabiyad leh in la la isu mataaneeyo magaalooyinka Bosaaso iyo Minneapolis.

Fadhi shalay gelinkii dambe oo khamiis ay yeesheen xubnaha golaha degaanka u qaabilsan arrimaha xiriirada caalamiga ayaa isku raacay in labada magaalo wixii hadda ka dambeeya ay yeeshaan xiriir dhinacyo kala duwan oo u badnaan doonta arrimo ganacsi.

Waa Guul u soo hoyatay magaalada Boosaaso xarunta Ganacsi ee Dawlad goboleedka Puntland iyo dhamaan magaalooyinka Soomaaliyeed

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain