Dad la xirxirey iyagoo dhuxul jaraya Puntland

Maamulka Puntland ayaa qaaday wax noqonaya talaabadii ugu horeysey oo wax looga qabanayo xaalufinta dalka, wuxuuna maamulka qabqabtay dad jarayay dhuxul gobolka Karkaar ee Puntland.

Wasiirka deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa sheegey in ay qabteen illaa shan qof, kuwaasi oo uu wacad ku maray in ay caddaalada horkeeni doonaan, mudankoodana la marsiin doono.

Talaabadan waxa ay imanayaa xili dhawaan Puntland ay dajisey siyaasadda deegaanka, taasi oo loo wada guuxey.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain