Dadka Aan Haysan Kaarka Dhalashada Puntland Oo Aan Qaadan Doonin Kaararka Taleefanada iyo Xawilaadaha Lacagta

Kaarka aqoonsiga puntland id card

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Puntland ayaa bayaan ay soo saartay kusheegtay in qofka aan haysan kaarka aqoonsiga dhalashada ee Puntland (Puntland State ID Card) aan lasiin Karin kaarka talefanka iyo noocyada lacagaha laysu xawilo.

Wasaarada ayaa sheegtay in arrintaani ay ka dambaysay xeer madaxweyne oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne kuxigeenka ahna kusimaha madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey.

Wasaarada ayaa laamaha ammaanka ee gobolada Puntland, dowladdaha hoose iyo shirkadaha isgaarsiinta ku boorisey in ay sigaara arrintaan u fuliyaan waxayna shacabka Puntland ku boorisay qaadashada kaarka dhalashada puntland.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain