MAAMULKA DUGSIGA WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN EE IFTIIN EE DEGMADA BAARGAAL OO KA WARAMAY MARXALADAHA DUGSIGU SOO MARAY IYO FAA’IIDADA UU SOO KORDHIYAY( SAWIRO)

Cismaan Maxamuud Diiriye oo Ah Maamulaha Dugsiga Waxbarashada Dadka Waaweyn Ee Iftiin ee ku yaal Magaalada Baargaal Ayaa Shabakada Baargaal.net Uga Waramay xaalada Dugsiga waxbarashada Dadka Waaweyn ee Iftiin

Dugsiga waxbarashada Dadka Waaweyn ee Iftiin waxa la furay bishii August-2012 waxaa ilaa hada dhigtay 198 arday.

macalimiinta Dugsigan Wax ka Dhigtana waa lix Macalin Oo 3 Haween yihiin.

Maamulaha Dugsiga Waxbarashada Dadka Waaweyn Ee Iftiin ayaa ka waramay Ujeedada Dugsiga loo Aasaasay iyo qaybaha kala duwan ee Tacliinta lagu Barto wuxuuna sheegay in ujeedada Dugsigan loo aasaasay ay ahayd si uu u buuxiyo Baahiyaha Waxbarasho ee Deegaanka ka jira, gaar ahaana waxbarashada Dadka waaweyn iyo Haweenka

maamuluha Dugsiga asagoo ka waramaaya Aqoonta Ay Bixiyaan Waxuu yiri..
Aqoonta aan Bixino Waxay ka kooban tahay manhajka waxbarashada Dadban oo ay nagu taageertay wasaarada waxbarashada Puntland waxa kale oo uu sheegay inay Dugsigan mudo dheer ka shaqaynayeen horumarintiisa,hadana Qorshaynaayaan inay ku soo kordhiyaan qayb lagu barto farsamada Gacanta hadii ay helaan cid kala qayb qaadata hawshaasi.

Su'aal Kale Oo Aan Ka Waydiinay Xaga Mushaharka Macalimiinta ay Ka Helaan Waxuu Sheegay maamuluhu in hal macalin mushaharkiisa ay qayb bixiso hay'ad Macalimiinta kalese ay Si Mutadawacnimo ah Ay Ardeyda Wax Ku Baraan.

Dhinaca Kale Waxa Jiray Balanqaadyo hayado iyo ururo oo ahaa Inay mushaharka macalimiinta bixin doonaan Walina Taasi Waxba Kamay Hirgalin Dugsiguna waa furayahay Waxbarshadiina Way Socotaa

Ugu danbayntii wuxuu maamulaha Dugsiga Waxbarashada Dadka Waaweyn Ee Iftiin sheegay inuu Rajaynaayo In Aqoonta ay ardayda iskuulku Bartaan Noloshooda Ku Dabari Doonaan Oo Ay Ku Shaqaysan Doonaan Taasina Waxay Noqonaysaa Faa'iido Wanaagsan Oo u Soo Korodhay isagoo intaasi raaciyay in Dugsiga Waxbarashada Dadka Waaweyn Ee Iftiin uu ka diwaan-gashanyahay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee puntland,

Si Kastaba Ha Ahaate Dugsiga wax barashada dadka waaweyn ee iftiin Ayaa Wax wayn Ku Soo Kordhiyay Deegaanka tan iyo markii la aasaasay oo iskoolkaasu si toos ah u shaqaynaayay


Warbixintan waxaa Diyaariyay xafiiska
Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari

Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya
Developed by Jago Desain