Madaxweynaha Khaatumo state oo laga masaafuriyey Itoobiya

Warar kasoo baxaya Caasimada Itoobiya Ee Addis Ababa ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galyer lagu amray inuu isaga baxo dalka Itoobiya.

Lama faahfaahin sababta ay dowladda Itoobiya u masaafurisay Madaxweyne Cali Khaliif, Balse waxaa lagu macneeyay khilaaf iyo iska qabqabsi ka dhex dhashay Maamulada Somaliland,Puntland Iyo Khaatumo state shir muhiima oo lagu qabanayay Magaalada Addisababa oo ay soo qaban qaabisay hay,ada Horn Econemy and Social Policy Institute ee loosoo gaabiyo (HESPI).

Shirakan oo ay soo fariisteen Maamulada Somaliland Iyo Puntland ayaa ka qaylyay Waftiga Khaatumo state kuna hanjabay in ay iskaga baxayaan shirka haddii Khaatumo meesha ka qaybgasho waxaana markii dambe dawlada Itoobiya ku qanacday in ay kasaarto shirka Khaatumo stae si ay Somaliland iyo Puntland usii fadhiyaan.

Madaxwayne Galayr ayaa la filayaa in uu u dhoofo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono hay'ado iyo wakiilada Beesha Caalamka.

BAARGAAL.NET
Wixii Talo Iyo Tusaale Ah Noogu Soo Dir baargaal@ gmail.com
Developed by Jago Desain