Raggii dilay Wariye Timacadde oo maanta lagu toogtay magalada Muqdisho

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa saaka oo Axad ah waxay ku toogteen iskuulka Booliska labadii nin ee horay u dilay Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka tirsanaa Telefishinka Universal xafiiska Muqdisho.

Markii la qasaasay labadaan ruux ayaa waxa goobta joogay ehaladda ragga la toogtay iyo waalidka marxuum Timacadde, waxayna ku qanacsanaayeen xukunka maxkamadda siduu u dhacay.

Dilkan labadaan ruux ayaa kusoo aadayaa iyadoo laga joogaa dhimashadii marxuum Timacadde mudo sanad ah, hase yeeshaa suxufiyiinta Muqdisho ayaa qaba in sidaan oo kale cadaalada loo horkeeno dadkii dhibaatooyinka u gaystay suxufiyiinta dhaawacmay iyo kuwii la dilay allaha u naxariistee

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain