Sababaha Keena Cirrada Timaha

Sababaha Keena Cirrada Timaha

Sababta ah inay timuhu cirroobaan lama xidhiidho da'. Waad cirraysan kartaa adigoo yar amaba da'dhexe ah. Dadka qaarkii waxay cirraystaan iyagoo dhalinyar ah halka qaarkoodna ay cirraystaan markay gaadhaan 60 jir iyo wixii ka sii weyn.

Maadada la yiraahdo "Melanin" ayaa timaha midabka madow siisa, haddii ay yaraato, waxaad isku arkaysaa cirro.

Cirrada bilowga ah (premature graying)
Cirrada bilowga ahi waxay bilaabmataa 20 jirka ilaa 30 jirka. Sababta ugu weyni ee hore loogu cirroobo waa hide. Qofka isku arka cirro ka soo baxda isagoo u dhexeeya 20 jirka iyo 30 jirka waxay noqonaysaa cirro hido ah, oo waalidiintii ay lahaayeen. Weliba waxa fiican inuu baaro ilaa saddex awoow.

Sababta kale ee keenta cirrada bilowga ah ayaa ah maandooriyaha sida, sigaarka, alkahoolka, khamriga iyo jaadka.
Kiimikooyinka ku jira maandooriyaha ayaa dila maadada " Melanin" oo midabka madow siisa.

Sababta ugu dambaysaa waa dhibaatada guriga ninka kaga furan (family problem). Waxay saynisyahannadu sheegeen in isku- buuqa (stress) ee ninka ay xaaskiisu kula kacdo ay keento cirro ku soo deg-degta. Waxa yaraata dheecaanada timaha midabka madow siiya ee "Melanin" yaraantaasi ayaa lagu sheegay inay sababto buuqa iyo qaylada guriga ama shaqada.

Cirrada da'du keento (age graying) Marka qofku gaadho da'da 50 jirka waxa toos ugu bilaabma cirro ay da'du keento. Marka da'dan la gaadho waxa meesha ka baxda maadada soo saarta midabka madow ee la yidhaa" Melanin". Dadka qaarkii oo ah tiro yar ayaa ku cirroobo 60 jir ilaa 70 jir. Waxayna lagu sheegay dadkaasi inay 1000-kii qof ku jiraan 3 qof ay ku cirroobaan da'daasi. Haddii ay jidhkaaga ku badato maadada" hydrogen peroxide" waxa si dhakhso ah kuu haya cirro deg-deg ah. Maadadan hydrogen peroxide waxay dishaa maadada kale ee timaha midabka u samaysa.

Timaha kuwee hor-cirrooba?
Waxay saynisyahannadu isku-raacsan yihiin inay timaha jilicdasani ka hor cirroobaan kuwa adag. Sababta ayaa ah inay timaha jilicdasan ku yar tahay maadada" Melanin" ee midabka madow siisa timaha. Halka timaha adag ay ku badan tahay maadada " Melanin" taaso keenta inay midabka madow yeeshaan. Waana ta keenta in dadka timaha jilidasani deg-deg isugu arkaan cirro badan.

Ka hortagida cirrada timaha
Wuxuu qof iska ilaalinayaa inay jirkiisa ku badato maadada" hydrogen peroxide" waayo maadadani waxay burburisaa maadada kale ee timaha midabka madow siisa ee la yiraahdo " Melanin". Waxa kale oo lagaga hortagi karaa in la xoojiyo fiitamiinada iyo macdanaha hoos ku qoran:
Vit A, Vit B, Vit B12, Zinc, Iron, Copper, Protein iyo Whole Grains.
Dhamaan fiitamiinada iyo macdaha waxa ku badan maadada "Melanin". Waxa kale oo jira kiniin ay ku badan tahay maadada" Melanin". Oo loogu yeero " Melancor". Markaad isku aragto cirro bilow ah haddii aad isticmaasho kiniinkaasi, cirradii halkaasi ayey ku istaagaysaa.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain