Soomaali ka mid noqday Golaha Deegaanka Vänersborg ee Sweden

Soomaali ka mid noqday Golaha Deegaanka Vänersborg ee Sweden

Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmada Vänersborg ayaa waxaa ka mid noqday Abdullahi Hassan Moalin oo ka tirsanaa xisbiga miljöpartiet ee dalkan Sweden.

Kuraasta Golaha Degaanka Vänersborg ayaa ka kooban 51 kursi, kuwaas oo ay u tartamayeen Xisbiyo kala duwan oo ka jira dalkan.

Abdullahi Xisbiga uu ka tirsan yahay ee miljöpartiet waxa ay ka heleen Vänersborg 4 kursi oo uu mid kamid ah isagu ku guuleystay islamarkaana noqday qofka labaad ee Xisbigiisa markii codadka la tiriyay.

Abdullahi oo lagu naanayso Madaxay ayaa ah nin bulshada Soomaaliyeed ee degan deegaanka Vänersborg aad u caawiya, waxa uuna Gudoomiye u yahay Ururka Somaliska framtiden ee ka dhisan degmadaasi.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain