War Deg Deg ah:- Taliyihii Booliska Soomaaliyeed oo Maydkiisa Nairobi loo qaaday

Taliyihii Booliska Soomaaliyeed oo Maydkiisa Nairobi loo qaaday

Alle ha u naxariistee waxaa goordhow dalka laga dhoofiyay Maydka Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil kaasi oo loo qaaday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya si baaritaano loogu sameeyo waxa sababay Geerida Taliyaha.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa raacday diyaarada lagu qaaday Meydka Marxuumka sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed la siiyay Sun, kadibna uu u geeriyiiday, waana taas mida Sababtay in meydkiisa la qaado, hase yeeshee ma jiro wax xaqiijinaaya arrintaasi.

Shabakada Baargaal.Net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Nagala soo Xiriir E-mail Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain