Xog kasoo baxaysa geerida Taliyaha Booliska Soomaaliya

Xog kasoo baxaysa geerida Taliyaha Booliska Soomaaliya

Waxaa warar kala duwan oo shaki xoog leh laga muujiyey kasoo baxayaan geerida ku timid Alle ha u naxariisto Gen Maxamed Sheekh Xasan Taliyihii Ciidanka Booliska Dowlada Somaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida Muqdisho ayaa galinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday Isbitaalka Ummada, waxayna halkaas ka xireen dhakhaatiir ku daweynaysay General Maxamed Sheekh ka hor intii uusan geeriyoon.

Labo dhakhaatiir oo midkood u dhashay dalka Kenya ayaa su,aalo kala duwan lagu waydiinayaa xarunta dambi baarista Muqdisho " CID" waxaana uu shaki xoog leh ka jiraa inay dhakhaatiirtan irbad sun ah ku dureen taliyaha geeriyooday.

Taliyihii Ciidanka Booliska ayaa ka hor intii uusan ku geeriyoon Isbitaalka Ummada waxa loo geeyey xanuun saacado ka hor ku yimid, Iyadoona aakhirkii la sheegey inuu naf baxay.

Ra'iisul wasaaraha Dowlada Federalka Somalia Cabdi Weli Sheekh ayaa u magacaabay guddi wasiiro ah baaritaan ay ku sameeyaan geerida ku timid Taliyihii ciidanka Booliska.

Maydka taliyaha ayaa laga soo wareejiyey Isbitaalka Ummada oo ahayd goobtii uu ku geeriyooday, waxaana loo wareejiyey Isbitaaalka Digfeer oo ay gacanta ku hayso Dowlada Turkigu si loogu ogaado in la sumeeyey iyo in kale.

Ra'iisul Wasaaraha DF Somalia ayaa Kusimaha Taliyaha ciidamada Booliska ugu magacaabay inuu noqdo Jen. Cusmaan Cumar Wehliye oo ku magac dheer Gas-gas, kadib geeridii deg dega ee ku timid Taliyihii hore ee Booliska.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo goor dhow shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in General Gas-gas loo magaacabay inuu sii hayo xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain