Kaluumaysato dhanbaal u diray Madaxweynaha Puntland

Kalluumaysatada xeebaha Bari ee Puntland oo ugu baaqay Madaxwayne C/wali Gaas inuu kaluunka ka miisaanto

Kalluumaysatada xeebaha Baargaal iyo Deegaano kale ayaa walaac xoog leh ka qaba qiimaha kaluunka oo hoos u dhac wayn ku yimid,islamarkaana ay ku diideen doonyihii ganacsatada kadib doonyo iyo maraakiib kaluunka oo bilaash ku gurta kheyraadka badda oo la soo galiyay badda.

Qaar ka mid ah kalluumaysatada ayaa warbaahinta u sheegay in qiimihii kaluunka uu si weyn hoos ugu dhacay iyaga oo sabab taasna uga dhigay maraakib shisheeye oo kumanaan gaaraysa oo kaluun qiimo jaban oo ayaga waxna ugu fadhiyin suuqyada dowladaha dariska geynaya sida Yemen , Dubia iyo Wadamo kale.

Kaluumeysatada ayaa sheegay inay suuq fiican ku heli jireen ka hor inta aysan dowlada Puntland heshiisyo dhex marin Kumanaan doonyo iyo Maraakiib jariif oo sanadkan 2014 badda lasoo galiyay islamarkaana ay ugu kici jirtay halkii Kiilo oo Kalluun ah qiimo go,an, Hadase uu isbedel ku yimid arrintaas.

Waxay intaas ku dareen hadalkii uu ku sheegey Madaxweyne Gaas Musiibo qaran inuu noqday mid miro dhala xaaluf hor leh oo ka bilowda badda Puntland iyo Heshiiska lala galay Kumanaan Ajaaniib ah oo rukhsado ka helay maamulka uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas.

Waxayna yiraahdeen qaar ka mid ah Kaluumaysatadu“Waxaan leenahay Madaxwayne Gaas kaalay oo naga miisaamo kaluunka xeebta quban, Annagu hadii aanu nahay kaluumaysato shaqada iyo wax soo saarka bada ayay

nolosheenu ku dhisantahay “ Waxa ay ugu baaqeen kaluumaysatada xeebaha Gobolada Bari iyo Karkaar hay,adaha caalamka oo ay ugu horeyso Hay’ada Beeraha iyo Cuntada ee Qaramada Midoobay FAO iyo Maamulka puntland in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatada lasoo daristay kalluumaysatada inta aysan burburin nolosha kumanaan qoys oo ku tiirsanaa shaqada badda.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain