Maamulka Gobolka Gardafuu Oo Kuhowlan Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada Caluula

Maamulka Gobolka Gardafuu Oo Kuhowlan Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada Caluula
Magaalada Caluula ee xarunta gobolka Gardafuu ayaa waxaa kasocda qorshe dadka deegaanka iyo maamulka gobolku ay kusoo dhisayaan gole deegaan oo ay yeelato degmada Caluula si ay uga midnoqoto degmooyinka Puntland ee kafaa'iidaysan doona barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG.

Gudoomiyaha gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Ismaaciil (Iidi) oo dhowaan gaarey magaalada Caluula ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u marayo dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi, wuxuuna intaasi kudaray in degmada Mudo lix Cisho ah ay degmadaasi kasocdaan kulamo lagusoo xulayo golaha deegaanka.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in degmada Jumcadii lasoo dhaafay ay kadheceen mudaharaadyo xoogan oo lagu taageerayo dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi, kuwaas oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka iyo dhalinyarada kunool degmada iyo guud ahaan gobolka Gardafuu.

Cabdulqaadir Iidi ayaa tilmaamay in dhowaan ay rajaynayaan in lasoo gabagabeeyo dhismaha golaha deegaanka oo qayb ka ah Hiigsiga maamulkiisa oo ah sidii lagu soo celin lahaa nidaamka dowladnimo ee kajira Puntland, isagoona mahad balaaran usoo jeediyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole iyo Madaxweynaha xilligaan talada haya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain