Maamulka Puntland oo shaaciyay shir dib u heshiisiin ah oo ka dhacaya Puntland

Maamulka Puntland oo shaaciyay shir dib u heshiisiin oo ka dhacaya Puntland
Madaxweynaha maamulka Puntland c/wali maxamed cali Gaas oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in la qaban doono shirweyne Qaran oo la isugu keenayo dhinacyada is diidan ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu dhici doono bisha January 20 ilaa iyo 30,waxaan uu ka dhici doona magaalada Boosooso ee xarunta gobolka Bari.

Wuxuu sheegay Madaxwayne Gaas in shirkaas uu yahay mid muhiim ah,islamarkaana loo baahan yahay in la isugu keeno dhinacyada isdiidan ee Puntland si loo dhameeyo wixii khilaaf iyo muran Shacabka iyo siyaasiinta Puntland dhexyaala.

Inkastoo deegaanada maamulka Puntland ay yahiin kuwo xasiloon ayaa hadana waxaa jira Beelo ka cabanaaya cadaaladaro iyo hagardaamo siyaasadeed iyo waxqabadkii Dalka oo aan loo sinnayn.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain