Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridii Ugaas Axmed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Shacabweynaha Puntland iyo Eheladii iyo Aqribadii uu ka dhintey Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood oo shalay markii ay saacadu ahayd 11kii barqanimo ku dhintey Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug

Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood Alle ha u naxariistee ayaa wuxuu ka mid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Puntland iyo Aasaasayaashii Dowladda Puntland

ugaaska oo in muda ah ugu maqnaa dalka Pakistan xaalad caafimaad owgeed ayaa wuxuu ku dhintey da'da 70 jir Ugu Danbeyntii.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa mar labaad wuxuu uga tacsiyeeyey Ummada Soomaaliyeed Shacabka Puntland iyo Eheladii uu ka dhintey Ugaas Axmed Ugaas Mxamed Cali Geesood geerida naxdinta leh ee ku timid ugana baryey Ilaahey Cafis iyo in uu Jano Fardowso galiya Ugaaska

Dhamaan Hawlwadeenada Shabakada Baargaal.net waxay tacsi tiiraanyo leh gaarsiinayaan umada soomaaliyeed , shacabka puntland iyo qoyska Ugaas Axmed Ugaas Mxamed Cali Geesood

Waxaan leenahay samir iyo iimaan ilaahay ha nga wada siiyo Naxariistii Janno ha ku daboolo. AAMIIN AAMIINM

Inaa lilaahi wa ina ilayhi raajicuun
Developed by Jago Desain