Shirkadaha Isgaarsiinta oo u awood Sheegtay Dawlada uu Madaxwaynaha ka yahay C/wali Gaas sarana u qaaday Adeega wicitaanka

Waxaan horay loo arag loogana baran xukuumadihii soo maray Puntland in ay shir jaraa'id qabtaan ay uga cabanaayaan shirkado fulin waayay amaro ka soo baxay dhinacooda.

Wasiirka warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland C/wali Xirsi Cabdulle Indhaguran oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta Wasaaradiisa ayaa ka hadlay qiimo kordhin ay sameeyeen shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jira deegaamada Puntland oo aan lala socodsiin maamulkooda asagoo intaas ku daray in shirkadaha inta aysan qiimo kordhinta samayn ay kulan laqaateen dowladda iyagoo isla meel dhigay sinaanta qiimaha lagu hadlo oo shirkadaha oo idil laga simay sidoo kala la dul saaray canshuurta dowladda oo la socota adeegyada wicitaanka dal iyo dibad.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaduhu ay ka baxeen wadahadalkii ay galeen ayna shirkad kasta dhinaceeda qiimo kordhin u samaysay taasna ay saamayn dhaqaale ku yeelatay dadweynaha adeegsada adeegyada shirkadaha Isgaarsiinta,

Wasiirka ayaa ugu baaqay in ay ku soo laabtaan bartii ay dowladdu ku ogayd ee qiimaha wicitaanku ahaa ayna joojiyaan qiimo kordhinta.

Tallaabada lagu aqoon jiray maamulada dawladeed ayaa ahaan jirtay ayagoo albaabada isugu laaba shirkadii hadal ka keenta Go'aan dawladeed

Waxa wax laga xumaado ah qaabka ay dawlada C/wali Gaas ula dhaqmayso Shirkadaha Isgaarsiinta oo aad moodo inay tix galin iyo mudnaan gaara siinayso ayadoo wadahal iyo wada tashi la sameeysa intaanay goaan ku saabsan ganacsigooda qaadan.

Taas badelkeeda Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawl gala Puntland ayaa Daaqada ka tuuray goaamo dhawr ah oo ay ku soo rogtay dawlada puntland oo ay kamid yihiin bayaan xeer madaxwayne ku soo baxay oo lagu amrayo shirkadaha isgaarsiinta in qofka aan haysan kaarka aqoonsiga dhalashada ee Puntland aan lasiin Karin kaarka talefanka iyo lacagaha xawilaadaha ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain