Wafdi ka socda dowladda Puntland oo booqday deegaanno ka tirsan gobolka Gardafuu

Waxaa dhawr maalin ka hor soo gabagabowday booqasho gaaban oo ay ku tageen magaalada caluula ee xarunta gobolka gardafuu iyo deegaano kale oo hoosyimaada Wafdi wasiirro ah oo ka socday dowladda Puntland oo uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayradka badda Puntland,Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe)

Waxaa kamid ahaa wafdigaas agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo wasiir ku-xigeeno ka kala socday wasaaradaha maaliyada iyo dhaqaalaha iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Puntland.

Masuuliyiintaas ayaa kula shiray madaxtoyada magaalada caluule maamulka cusub ee gobolka gardafuu iyo odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxyaabihii ay kawada hadleen labada dhinac ayadoo wararka qaar sheegaayaan in wafdigii ka socday dawlada puntland ku hungoobeen Ujeedooyinkay u socdeen oo lagu xiray shuruudo adag.

Waxyaabihii laysku khilaafay ayaa waxaa kamid ahaa sharciyaynta doonyaha xaalufka ku haya badaha puntland oo uu horay madaxwaynaha Dawlada puntland C/wali gaas ugu tilmaamay musuubo qaran.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain