Wefdi uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Gardafuu oo u soo ambabaxay Degaanada Gobolka

Wefdi uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Gardafuu oo u soo ambabaxay Degaanada Gobolka

Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka soo ambabaxay wefdi balaaran oo uu horkacayo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu mudane C/qaadir yusuf Maxamed Ismaacil Iidi ayagoo socdaalkoodu ku wajahanyahay Degmooyinka iyo tuuliyinka Gobolka Gardafuu.

Gudoomiyaha gobolka Gardafuu iyo wafdigiisa ayaa caaway soo gaaray Deegaanka Hodaa oo muudiye u dhow halkaas oo soo dhawayn iyo casumaad loogu sameeyay.

Gudoomiye C/qaadir yusuf Maxamed ayaa ugu horayn socdaalkiisa ka bilaabi doona haduu eebe idmo magaalada Muudiye wuxuuna inta uu joogo magaalada Muudiye kula kulmi Doona odayaasha iyo waxgaradka magaalada isgoo kala hadli doona xaaladaha Nololeed iyo Amni ee Magaalada Muudiye.

Socdaalka shaqo ee Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gardafuu oo ah kiisi ugu horeeyay intii loo magacaabay xilkaas ayaa waxa uu ku aadan yahay ukuur galida Xaaladaha Nololeed iyo waliba baahiyaha ka jira Tuulooyinka iyo degmooyinka Gobolka Gardafuu iyo sidii uu gudomiyuhu latashiyo ku saabsan dhismaha iyo hirgalinta gobolka cusub ula samayn lahaa bulshada deegaanka.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain