Dallada Midowga Ururada Gobolka Gardafuu ee GAYAN oo wadda olole Lagu wacyigalinaayo Dhalinyarada degmooyinka Gobolka

Caluula (BAARGAAL.NET) Dallada Midaysa Ururada dhalinyarada Gobolka Gardafuu ee marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaan GAYAN ayaa mudooyinkii Ugu danbeeyay ka waday degmooyinka Gobolka Gardafuu olole iyo Kulamo lagu wacyi galinaayo Dhalinyarada Magaalooyinka Iyo tuulooyinka Gobolka loogana doodayay doorka Dhalinyarada ay ka qaadan karaan Nabada iyo is dhaxgalka Bulsshada iyo Horumarka Deegaankooda.

Dallada ayaa ku qabatay Kulamo Wacyigalin ah Degmooinka Bareeda iyo Caluula Meelahaas oo ay kula shireen Dhalinyarada Deegaanka.Dallada Midaysa Ururada dhalinyarada Gobolka Gardafuu ayaa ku guulaystay inay ururo iyo maamulo u dhisto dhalinyarada Deegmooyinka Bareeda iyo Caluula .

Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Puntland ayaa 10 bishan dhamaadka ah ku guulaysatay dhismaha Daladdan ay ku Midaysan yihiin Dhalinyarada Gobolka Gardafuu iyadoo uu Mudane Maxamuud Cali Siciid loo doortay Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Gobolka Gardafuu.

Hoos Ka daawo qaar Kamid ah Shirarkii iyo kulamdii ay la yeesheen dhalinyarada Degmada caluula 






SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
email:Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain