Doon ay lahaayeen Ganacsato Soomaliyeed oo ku gubatay Cumaan.

Doon ganacsi oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku gubatay dekkada Magaalada Salalah ee dalka Cumaan.

Doontan oo lagu magacaabo Al Yaasiin ayuu dab xoog leh qabsaday xalay saqdhexe sida ay sheegeen saraakiisha dekkada Salalah.

Doontan ayaa xoolo nool oo laga keenay Soomaaliya keentay Dekkada Gobalka Dhufaar ee dalka Cumaan.

Ciidamada dab-damiska iyo kuwa badda ee Cumaan oo u gurmaday doontan ayaa la sheegay inay soo badbaadiyeen 15 nin oo ka shaqeenayey doontaasi, Waxaana la sheegayaa in hada baaritaan lagu wado doontan gubatay.

Dab-damiska ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay inay dabkaasi damiyaan subaxnimadii Arbacada saacadu markay ahayd 6dii Aoornimo.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain