Fahad Yaasiinoow : Suxufinimadu siddanna ma noqotaa?!


Waxaan akhriyay maqaal lagu soo daabacay Bogga Xarunta Daraasaadka Aljazeera oo uu qoray Fahad Yaasiin oo sheegta in uu yahay suxufi Soomaaliyeed kuna nool Magaalada Muqdisho. Maqaalkan ayuu fahad isagoo ka faa’ideysanaya howshiisii suxufinimo ee uu u hayay hay’adda Al-jazeera eek a dhisan dalka Qadar, wuxuu si anshaxa suxufunimo ka baxsan wax uga sheegay Dowladda Puntland, dhulkeeda & shacabkeeda-ba.

Intaynaan qormadan u gudbin bal marka hore labo erey aan idiinka sheego Fahad waa shakhsi ceynkee ah? Wuxuu sheegtaa suxufi soomaaliyeed wuxuu kamid ahaa shakhsiyaadkii ay UN Somalia & Eriteria Monitoring Group (UNSEMG) ku tilmaantay in ay ka mid ahaayeen kooxihii dhaqaalaha ka keenay waddanka Qadar ee Madaxweyne Xassan iyo kooxdiisa Damul-jadiid gacanta u geliyay talada waddanka Soomaaliya. Hey’addu waxay tilmaamay in Fahad & Ceynte (madaxa machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda) ay kamid ahaayeen shakhsiyaadkaas. Tani waxay kuu caddeyneysaa Fahad & saaxiibadiis in arrimaha suxufinimada ay u dheer-tahay arrimo kala duwan oo ay kamid tahay la-shaqeynta kooxo ka dhisan Magaalada Muqdisho. Labadaa erey aan ku ekeeyo shakhsiyadda Fahad Yaasiin una soo gudbo qormada uu ku qoray bogga xarunta daraasaadka ee Al-jazeera.

Warbixinta Fahad oo ku qornayd luqadda carabiga aadna u dheereyd wuxuu aflagaaddo & been toos ah ka sheegay Dowladda Puntland, shacabkeeda & dhulkeedaba. Bal inyar aan ka soo qaato waxyaabihii aflagaadada, beenta & xumaanta isugu jiray ee shakhsigan qormadiisa ku xusay:

Wuxuu Puntland ku tilmaamay in ay dhismaheeda ka dambeysay Dowladda Itoobiya isagoo ku tusaaleeyay in fikradda aasaaska Puntland ay timid waa sida uu u dhigaye waqtigii uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya AUN C/laahi Yuusuf oo ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland uu ka soo carooday shirkii Soomaalida ee qaahira lagu qabta sanadkii 1997-dii. Wuxuu sharafta & fikradda dhismaha Puntland kala cararayaa Hoggaamiyaashii Bulshada Puntland ee waqtigaa lahaa fikradda isu keenista dadkii degaanadaa degganaa si ay maamul iyagu leeyihiin u sameystaan, isagoo weliba og laakiin inkiraya in goboladaas waqtigaa uu ka jiray maamul & kala dambeyn, dhul ahaana loo yaqaanay Maamulka Woqooyi-Bari ee Soomaaliya, taa badalkeed wuxuu ka-door biday in uu Itoobiya u huwiyo magaca dhismaha Puntland.

Af-lagaadada uu Fahad Shacabka Puntland u geystay waxaa iyana ka mid ah, wuxuu Puntland ku tilmaamay Kurdistaantii Soomaaliya! Waxaa laga yaabaa in dad badan is-weydiiyaan waxa uu ula jeedo Kurdistaan, wuxuu dadka qoraalkan ugu talo-galay ka dhaadhicinayaa in Puntland ay tahay qabiil sida Kurdiiinta meel gooni ah dagan haddana dhul ahaan kala qeybsan oo ka kala tirsan Koonfur & Woqooyiga Soomaaliya (sida kurdiyiintu uga tirsan yihiin Ciraaq, Suuriya,Turkiga iwm), si uu dadkaa uga dhaadhiciyo in Puntland ay sida Kurdistaan dalka ka madax-banaanaan karin.

Wuxuu Fahad Puntland ku sheegay in waayadii dambe in ay aad u doonayeen in ay gooni u-istaagaan kadib markii heshiiyadii ay dowladda la sixiixdeen ay waxba ka hirgeli waayeen, wuxuu sheegay in Puntland ay dooneyso in ay si gooni ah wax u helaan isagoo tusaale u soo qaatay in ciidamada & hey’adaha kale ee Puntland ay ka amar-qaataan dowladda Puntland oo qura. Wuxuu Fahad illowsan yahay in kooxdiisu (Damul-jadiid) oo Dowladdii Dhammeyd lagu aaaminay lagana rabay in ciidamada Puntland iyo kuwa kale-ba meel dhexe isugu keento oo ay qarameyso in xoolahoodii ay Mooshin siisteen.

Qormada Fahad waxay ka tarjumeysaa arrin ay kooxdani iska dhaadhicisay oo ah in Puntland lagu cabsi-gelin karo mar walba oo ay soo hadal-qaaddo xuquuqdeeda gaarka ah, iyagoo durba la soo booda erey micnihiisu yahay “waxay doonayaan in ay go’aan” ama “Itoobiya ayay ku xiran yihiin” si Puntland loogu hayo xeyndaabkan xuquuqaheedana loogu tunto, loona duudsiiyo.

Hadalada fahad ee qormadiisa ku jira waa kuwo iska soohorjeeda in marna Puntland lagu tilaamo dad doonaya in ay go’aan marna lagu tilmaamo in aysan ka go’i karin Soomaaliya oo ay la mid yihiin Kurdiyiinta.

Eedaha uu qormadan ku xusay wuxuu dadka uu ugu talo-galay ee aan Soomaalida aheyn fahansiiinayaa in muranka gobolada dhexe ay Puntland ka masuul tahay isagoo sheegay in Puntland hor-istaagtay maamul laga soo dhisi lahaa gobolada dhexe. Magaalada Gaalkacyo ayuu ku sheegay in ay meel u kala qeybsan labo qeybood oo IS-LE’EG iyadoo la ogyahay in Magaalada Gaalkacyo marka laga reebo hal xaafad ay inta kale Puntland ka tirsan tahay shacabkeeduna degaan.

Wuxuu si xaasidnimo ka muuqato u duray nabadda ay Puntland intii ay jirtay & ka hor-ba ku taameysay isagoo ku tilmaamay in ay tahay nabaddaasi mid aan la isku halleyn karin. Tani waxay ku tuseysaa in uusan innaba waxba u oggoleyn Puntland kolley ku tahay nabadda muuqata ee ay Puntland heysato ee soomaali & ummadaha kale-ba isla qireen.

Wuxuu qormadiisa ku xusay in Puntland ay aheyd ama tahay qolada keliya ee federaalka ku dhaggan una badashay Jamhuriyaddii Soomaaliya Dowlad Federaal ah, isagoo iska indho-tiraya in ay jireen qolooyin illaa iyo 60-meeyadii aaminsanaa Federaalnimada laakiin ay hortaagnaayeen kooxdiisa & kuwa la fikirka ah si aysan Federal-nimadu u hir-gelin. Wuxuu soo qaaday aadna uga uga hadlay siyaasiyiintii Puntland soo maray isagoo hadalo caadifadeysan ka sheegay si uu bulshada qormadiisa akhrisaneysaa u fahamsiiyo wax ka duwan waxa caalamku ka heysto in Puntland tahay. Xitaa sawirka uu qormadan ku xusay ayaa ah mid Madaxweynihii hore ee Puntland laga qaaday, taasoo xitaa khilaafsan anshaxa suxufinimada.

Halkan kuma soo wada koobi karo waxyaabaha tirada badnaa ee uu Puntland ka qoray oo dhammaantood ahaa been cad oo aan sal & raad toona laheyn, qaarkood-na ay ka muuqatay cadawtinimo qoto dheer oo uu Puntland & shacabkeeda u qabo.

Qormadan ayuu ku soo aadiyay waqti ay arrimo xasaasi ah ka jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan muranka u dhaxeeya Madaxda sare ee Soomaaliya, si qaar ka tirsan beesha caalamka gaar ahaan waddamada carabta uga dhaadhiciyo ugana duwo xaqaa’iqa Soomaaliya ka jira waqtigan ee ku saabsan nidaam-darada kooxdiisu ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, taas oo sida uu rajeynayo uu is-leeyahay waxbay ka tari kartaa kalsooni-darada uga imaaneysay maalmihii ugu dambeeyay ilihii ay dhaqaalaha ka heli jireen kuwaas oo hadda u muuqda in ay wax ka badalayaan taageeradii ay siin jireen kooxdan (Damul-jadiid).

Lama yaabani in Fahad & shakhsiyaadka la midka ahi ay Puntland sidaa u weeraraan iyagoo is-leh xoogaa shilimo ah aad ku badalataan wax ka sheegga ummad soomaaliyeed laakiin wuxuu la-yaabku ugu weyni noqon doonaa marka uu barnaamijyo ugu tago in uu ku qabto dhulka Puntland isagoo suxufi sheeganaya sida horeyba u dhacday markii kooxda Heritage oo aan ognahay cadaawadda ay shacabka Puntland u qabaan ay hore booqasho ugu tageen caasumadda Puntland ee Garoowe. Waxaanse ku soo gabagabeynayaa anigoo weliba kuu naseexeynaya armay kuu habboon tahay in shacabka aad xumaanta intaa le’eg u quuurtay aad cafis weydiisato!


Farah M Warsame
Developed by Jago Desain