Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Bareeda ee Gobolka Gardafuu oo La Doortay (Sawiro)

Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Bareeda Oo La Doortay
Degmada Bareeda waxaa saakay ka dhacday munaasibad balaaran oo ay kasoo qayb galeeen masuuliyiin badan oo ka tirsan dawlada puntland oo ay kamid ahaayeen, wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha iyo horumarinta miyiga Puntland, agaasimaha guud ee dawladaha hoose ee puntland, gudomiyaha gobolka gardafuu iyo agaasimayaal badan oo ka tirsan maamulka gobolka Gardafuu , duubab dhaqan iyo guud ahaanba xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bareeda iyo sidoo kale ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa ahayd mid lagu dooranayey gudoomiyaha cusub ee golaha deegaanka Degmada Bareeda iyo kuxigeenkiisa kadib markii lagu guulaystay xulitaanka iyo dhaarinta xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Bareeda.

Kadib Khudbado qiimo badan oo ay madasha ka jeediyeen masuuliyiintii iyo ergadii ka soo qeybgashay munaasabada ayaa waxaa loo gudagalay doorashada Gudoomiyaha cusub ee Degmada Bareeda.



Xilka gudoomiyaha Degmada Bareeda waxaa u tartamay laba xildhibaan oo katirsan golaha deegaanka Bareeda oo kala ah Siciid yuusuf diiriye iyo Maxamud axmad caynab (gubsul).

Xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Bareeda oo dhamaa 17 xildhibaan ayaa cod gacan taaga kudoortay gudoomiyaha golaha cusub ee Bareeda ahna Duqa degmada waxaana loolan adag kadib cod 9 ah ku guulaystay Siciid yuusuf diiriye oo noqday gudomiyaha cusub ee degmada Bareeda halka Maxamud axmad caynab (gubsul) uu helay 8 cod.

Intaas kabib ayaa waxaa loo gudbay doorashada Gudoomiye ku xigeenka oo ay isu soo sharaxeen sadex mudane oo kala ahaa:
1. Cismaan cabdi boqor
2.siciid yuusuf ciise
3.cali saalax maxamed

Doorasha oo martay laba wareeg ayaa wareegii hore waxaa ku haray cali saalax maxamed oo helay codad dhan 3 Cod, Halka ay bar bar dhac noqdeen labada musharax ee kale oo kala helay 7 cod, intaa ka dib waxaa loo gudbay wareegii labaada waxaan ku guuleystay oo noqday gudoomiye ku xigeenka degmada Bareeda Cismaan cabdi boqor oo helay 9 cod halka siciid yuusuf ciise uu helay 8 cod.

Gunaanadkii munaasabada Doorashada oo lagu qabtay Dugsiga Hoose Dhexe ee Bareeda ayaa waxaa goobta lagu dhaariyey gudoomiyaha cusub ee Degmada Bareeda iyo kuxigeenkiisa.

Degmada Bareeda ayaa waxay Ka mid ahayd sadex degmo oo kamid ah Degmooyinka Gobolka Gardafuu oo aan wali loo dhisin  gole deegaan  , waxaana la filaayaa in dhawaan ay ka bilaamaan dhismaha golaha degaanka Degmooyinka Caluula iyo murcanyo oo ka mid ah degmooyinka barnaamijka dhismaha golaha deeganka ee Degmooyinka Puntland qaybta
wali harsan


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com





Developed by Jago Desain