Madaxweyne C/wali Gaas: Waxaan qabanay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab dhawaan ayaan soo bandhigi doonaa



Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ka hadlay howlgalo lugu xoojinayo amniga oo ka socda gobolada Bari iyo Nugaal, wuxuuna intaasi ku daray in howlgallada ay ciidanku sameeyeen lugu qabtay rag badan oo ka tirsan Al-shabaab, isagoona inta ku daray inay meel wanaagsan marinayaan soo celinta xasilooni amni oo buuxda.

Howlgallada ugu xoogan ee lugu xaqiijinayo amniga waa kuwo lugu baadi-goobayo dagaal-yahannada ka tirsan Al-shabaab,waxaana ciidanka difaaca ay howlgallo ka sameeyeen buuraha galgala iyo hareeraheeda,

“Howlgalkaas meel wanaagsan ayuu marayaa, bishii Oktoobar ee sannadkan ilaa iyo hadda howlgalku si xoog leh ayuu uga socdaa Galgala iyo dhulka ugu badan ee Al-shabaab ku sugnaayeen, shalay iyo dorraad howlgalo ayaa ka dhacay aaggaas,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu intaas ku daray in maalmo ka hor ay Garoowe ku qabteen xubin muhiim ah oo Al-shabaab ka tirsan, kaasoo uu tilmaamay inay dhawaan soo bandhigidoonaan,mana uusan sheegin sarkaalka Aal-shabaab katirsan meesha lagu qabtay


BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari

Developed by Jago Desain