Madaxweyne Xasan oo Ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid “Sawirro”

Madaxweyne Xasan oo Ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid “Sawirro”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kaddib markii lixdii bishan ay baarlamaanka codka kalsoonida ah kala laabteen xukuumaddii Ra’iiusul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Ra’iisul wasaaraha dalka u magacaabay mudane Cumar Cabdirashiid Cali.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu ka soo dhalaalo howlaha Qaran ee loo igmaday, isla markaana uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiisa hiigsiga sanadka 2016-ka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo 54 jir ah ayaa dhashay June 19, 1960,w uxuuna cilmiyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Carleton ee magaalada Ottawa waxaana 13-kii February  sanadkii 2009-ka loo magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha  dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Baargaal.net
Isha wararka Horumarka deegaanada calbari




Developed by Jago Desain