Magacyada Roobka iyo xilliyada roobka uu da'o

Magacyada Roobka iyo xilliyada roobka uu da'o
Roobka waa roob uun hadana magacyo kala duwan ayu leeyahay , qaarkood dadka badankiisa ay garanayaan qaarna hore aydaan u maqlin
wa kuwan ka faaiidaysi wacan


Magacyada roobabka


amminla'   Roobka ugu horreeya dayrta

bariiso         Roob da'a arooryada hore

biyadhig            Roob da'ay biyo dhul ku dhaafid

biyamaris         wa roobka sida xooga leh u da'a ee daadka soo roga

caadgoror          Roob yar oo ka yimaada daruuraha caadka ah

cadcaddeys     Roobyar oon dhulka biyo dhigin

cambaar                  Roob da'a xilli jiilaal

carraggoys ah     roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa

cawlikudhashay    Roob badan oo xilliga gu'ga  da'a

ceelkageeye        Roob xoog badan oo bartamaha guga da'a

cir                            roob

circaddaa          Roob badan oo muddo dheer da'a

curdaalo             Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da'a

daallai                  Roobka xilliga dayrta da'a

darroor   
              Biyaha roobka  aqalku kor ka soo daayo kolka roobku da'aayo

daydo                     Roob da'a xilliga guga ah

dayrsimo            Roob xilliga dayrta horteeda da'a

dhibic                      Roobka  xoogga  leh

diillin                    Roobka xooga leh  ee dabaysh wata

dumaal                roob yar (shuux

fushade              Roob badan oo xiliga guga da'a

gabaxle                Roob biyo yar oo aan biyo dhig lahayn   muddo dheerna da'a

garbacad             roobka bilowga  ah

gaxarbe                Roobka  badanee muddo dhac da'a

geeldooje             roobka      badan

gudgude          Roob badan oo habeen da'a

gufaaco              Roob dabayl soo wado

gufacaale        Roob ka badan ee dabaysha xooggani waddo

habar-ari          Roobka deyrta ugu horreeya

hillaac                wa iftiinka  weyn ee daruuraha isku dhaca bixiyaan marka robku da'ayo

hogo                   Roobka ugu horreeya ee xilliga guga ama dayrta kulaylka ka dhasha

jar                 roobka ugu horeeya   guga

jid_dhiriqle   roob ka da'   xiliga  guga

jir                   roobka badan oo habeekii da'a

joogjoogle                    Roobka aan kala go' lahayn oo habeenkii da'a

kabalafuq          Roobka aan badnayn oo rayskiisu ku egyahay inta kabtu soo qaado

kabawaar   roob ka da'aya  marku  joogsado  aya kabawaar ladhahaa

kabrar                        Roobka badan ee da'a marka guga roobyaraan jirto

kaxaan               Roobka uguba wada horreeya ee dayrta da'a

mahiigaan               roob badan

mashood                   Roob aad u weyn

mawjiid                 Roob weyn oo dhul ballaaran ku fida

mayay                    Roob xoog leh oo maalinta gelinkeeda hore da'a

miiraale                       Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada

mir                                roobka habeenkii da'a

nugushi                      Roobka ugu horreeya ee guga da'a

qoble              Roob muddo dheer da'a oo aan biyo dhigin

roobgaras                Roobka xilliga diraacda ah da'a

samoolad                    Roob da'a xilliga xagaaga ah

sarkadhaban                     Roob diciif ah  oo aan dhulka si fiican u qoyn

shuux                   Roob  dhibco  yaryar

tiix                              Roob yar oo dhibco yaryar

todob                       Roobka ugu horreya uu gu'ga da'a

toog                            roob yar

tumay                   Roob  aan xoog lahayn

waqal                       roob

ximir                Roobabka  dayrta ugu horreeya



daruuraha

bakoolin         Daruuro yaryar oo kala googo'an oo wada socda middood

barbarda'       Daruur biyeysan oo cirka  badankisa  qarisa

bariggo'an     Daruur weyn, biyo aan lahayn oo  aan daruur kale ka hooseyn

caad                   daruur meel sare ka muuqata

caddaato       Daruur waqti galabnimo ah  biyo yar sii daysay

coolli               Daruur cufan oo ay biyo ka  buuxaan

daruur           waa magaceda guud

daruur buureed  waa daruurta buuraha dhaadheer  xagooda sare ku samaysanta

dhool                 wa  fooda cad  ama inta hore  ee daruurta da'ysa

dulka-hoor  wa daruurta qofka dushiisa ku da'da

fad                     wa daruurta yar

garab               wa daruurdaha is haysta oo da'aya

geeldooje       daruuraha madmadow  ee muuqda marka roob badan da'ayo

gibillo               wa  daruuro  badan o biyaysan

gulungulco     daruur cufan oo biya sidda

guulaamo          Daruuro waaweyn oo  biyeysan, madow oo cirka maaxa

heego              wa daruurta aan wali di'in ee ka sii saraysa  daruuraha  da'aya

hogol             waa daruur curatay

hoosaas        waa daruurta

huugaan      daruur

mukul                 Daruur madow oo meel fog ka  da'aysa

raayo             Daruur yar oo markaas uun  da'aysa

sayras          daruurta meel sare maraysa e  qayb qaybta ah

uugaan           daruuro cokan

waqal           daruur biyaysan




Magacyada  xilliyada roobka uu da'o

afartanaad   xilliga  roobku da'o oo ku beegan dabayaaqada xagaaga

 dayr  xilli roob ku da'o oo ka bilowda bisha 9--11

 gu'  xilli  roob ku da'o oo ka bilowda bisha 3--5

milay   xilli ka mid ah xilliyada roob ku da'o

karan  xagaaga badhtamiiisa  xiilli roob kada'o  gobolada waqooyi galbeed

samalaha    xilli roobaad  galbedka somalia roob ka da'o  xagaagii

seermawaydo  xilli roob badan da'o  gugii

dhudhub    guga  xilli roob badan ka da'o gobolada  jubooyinka

wajiine   xilli roob ka da'o  xeebaha  nugaal  wakhtiga jiilaalka  ( 12--2

xays   xilli jiilaalka  dhexdiisa  roob ka da'o  xeebaha bari

Developed by Jago Desain