Wafdigii Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo Laga soo Ceshay Degmada Murcanyo

wararka naga soo gaaraaya Magaalada  xaabo ayaa tibaaxaya in Maanta wadada loo galay wafdigii Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu oo laga soo ceshay inay tagaan degmada Murcanyo.

wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa wadada u galay meleeshiyo aan ku qanacsanayn qaabka  loo dhisayo golaha deegaanka Degmada Murcanyo taaso kaliftay in Gudoomiyaha iyo wafdigiisu dib ugu soo noqdaan magaalada xaabo oo ay caawa ku sugan yihiin .


Wixii arintaasi kasoo kordha kala soco shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain