Posts

War Deg Deg Ah:Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Kalsoonida Lagala Laabtay

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u qaadey Mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumadda raysalwasaare Cabdiweli Shiikh.

Waxaa soo xaadirey hoolka shirka ee Golaha Baarlamaanka 235 Xildhibaan, waxaana u codeeyey in kalsoonida lagala laabto Raysalwasaaraha 153 Xildhibaan, Waxaa diidey oo Maya u codeeyey 80 Xildhibaan oo keliya.

Afhayeenka Baarlamaanka prof. jawaari ayaa ku dhawaaqey natiijada waxaana uu sheegey in codeyntu u dhacdey si hufan, Madaxweynahana lagadoonayo in uu soo magacaabo Raysalwasaare muddo 30 maalmood ah.

Fadhiga maanta ayaa ahaa mid aad u degan oo jawi wanaagsan ku bilowdey, subaxnimadii hore waxaa Baarlamaanka fadhiyey 211 Xildhibaan, waxaana gadaal kaga soo biirey Xildhibaano diyaarad gaar ah ka soo qaatey Nairobi kuwaas oo fadhiga gadaal kaga soo biirey.
Madaxweynaha ayaa hadda laga sugayaa in uu soo magacaabo raysalwase cusub.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain