Wasaaradda kalluumeysiga :awood uma lihin inaan wax ka qabano jariifka ba’an ee lagu hayo xeebaha Puntland

Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda dawladda Puntland ayaa sheegtay ineysan awood u lahayn in ay wax ka qabato jariifka ba'an ee lagu hayo xeebaha Puntland.

Wasaaradda ayaa hadalkeeda ku dartay in doonayahaas ay saameyn ku yeesheen kheyraadka badda Puntland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay raadinayan doonyo kuwa dheereeya ah oo wax ka qabta doonayaha ajnabiga ah ee jariifaya kheyraadka ku jira Xeebaha deegaanada Puntland.

Wasaarada kaluumaysatada ayaa sido kale ka hadashay caqabado badan oo soo wajahaya kalluumeysatada reer Puntland maadaama ay caqabad kala kulmaan kuwa jariifaya Xeebaha waanan dad nolol maalmeedkooda kasoo saarta kalluumeysiga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Gaas ayaa horey ugu tilmaamay kalluumeysiga sharci-darada ah masiibo qaran isla markaana ay dowladisu tallaabo sharci ah ka qaadeyso kuwa ku xadgudba.

Laakin waxaa yaab ah oo mudan in suaal laga waydiiyo wasaarada kaluumaysiga puntland iyo wasiir biindhe hadeyan awood u lahayn in aad wax ka qabataan jariifka maxaad ugu soo fasaxaysaan oo u sharciyaynaysan kuwa kale

Maxaa hadalka iyo ficilka wasaarada kalluumaysigu u kala duwanyahay mise waa siyaasad ay rabto inay kaluumaysatada danyarta ah wasaaradu isaga jeediso

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain