xulistii Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Caluule oo Lagu Guulaystay

Waxaa maanta  lagu guulaystay xalinta khilaafaadkii ka taagnaa xulista iyo qayibnta xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Caluule kadib markii Tirada Xildhibaanada Lagu Daray 4 Xubnoo taas oo ka dhigtay tirada guud ee xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Caluule 31 xubnood.

waxaana loo ballamy birro subax in ay dhacdo doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Caluule oo laga dhex dooranayo xildhibaanada dhexdooda 

waxaana u sharaxay Xilka Gudoomiayaha Degmada Calulle  6 xubnood 
1. Muuse saalax Guuled 
2. Jaamac Maxamed Cali Rooble 
3.Shire Cabdi ismaaciil Goonyacade 
4.axamed maxamed xasan 
5. Sahal Samatar Yuususf
6. Cali Shire Maxamuud Cismaan 

waxaana gudoomiye Ku xigeen U sharaxan 2 xubnood oo kale ah : 
1. C/risaaq Siciid Cali Dunge
2. Ciise Maxamed Cali 

waxaa ku sugan Degmada Caluule oo la rajaynaayaa inay goob joog ka ahaadaan doorashada bari ka dhacaysa hoolka shirarka gobolka gardafuu Wasiir Ku xigeenka arimaha Gudaha iyo Horumarinta Miyiga Mudane C/laahi Xaashi qoob deero , iyo Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane C/qaadir Yuusuf maxamed iidi , ku simaha Taliyaha Qaybta mudane shire yuusuf fuqyare  iyo isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu Mudane C/qaadir Maxamed Jaamac ( C/qaadir Caato ) ,waxgarad  iyo marti sharaf kale oo badan 

kala soco bari hadii eebe idmo doorashada ka dhacaysa si toos ah Shabakada Baargaal.net 

Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain