Baargaal: Munaasabad warbixin lagu siiyaanay Waalidiinta Iyo Maamulka Degmada(Sawiro)

Baargaal: Munaasabad warbixin lagu siiyaanay Waalidiinta Iyo Maamulka Degmada(Sawiro)
Munaasabad kooban oo warbixn lagu siinaayay waalidiinta iyo maamulka degmada oo laguna wacyigalinaayay ardayda iskuulka sare ee maxamed xuseen ee degmada Baargaal iyo ardayda dugsiga hoose dhexe ee bilaal Axmad iyo waalidiintooda ayaa shalay galab ka dhacday Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada Baargaal.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay, waxgarad, Ganacsato iyo Masuuliyiinta Maamulka Degmada iyo Gobolka Gardafuu oo uu horkacaayay Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Baargaal Mudane Yuusuf Maxamed Xirsi , waalidiinta, macalimiinta iyo maamulka iskoolada, iyo gudiga waxbarashada degmada.

Waxaana halkaasi ay maamulka Labada Iskuul ee kala ah Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen iyo Dugsiga Hoose Dhexe ee Bilaal Ka soo jeediyeen warbixin ay uga warbixinaayeen xaaladaha iskuulada iyo waxa loo baahanyahay.

Ugu horayntii waxaa ka hadlay madasha Maamulha Iskuulka Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal mudane Maxamuud Muumin Aw aadan ( Macalin Muumin ) oo warbixin dhamaytiran ,dhinacyo badana leh ka siiyeen waalidiinta , ardaydooda wax uga barata Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen , barnaamajka waxbarasho ee iskuulka iyo waxay sanadkan ku soo kordhiyeen iyo caqabadaha hortaagan ardayda oo ay waalidku dawr ka qaadan karaan iyo sidii loo horumarin lahaa mastawaha ardayga.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhagaystay maamulha iskuulka Hoose dhexe ee Baagaal Mudane Shaafici Yuusuf shaafici oo ka warbixiyay dhinaciisa dayactirka lagu sameeyay iskuulka Hoose dhexe, waxa looga baahanyahay waalidiinta ardayda sanadka u fadhiisanaysa imtixaanaadka dugsiga dhexe looga gudbaayo asagoo talooyin usoo jeediyay.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabada Gudoomiye ku xigeenka Degmada Mudane Yuusuf Maxamed xirsi oo u hambalyeeyay bahda waxbarashada Labada iskuul , Macaliin iyo maamulba asagoo balan qaaday inay dhinacooda doorkoodii ay u taaganyihiin ayna halkan ka ballan qaadaayaan inay sii xoojin doonaan









Ugu danbeeyay waxaa lagu dhawaqay ardayda kaalmaha ka galay laba iskuul oo lagu wargaliyay waalidiintooda

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Developed by Jago Desain