DAAWO: tv-ga chanel four oo soo bandhigay Maydiga iyo meelaha loo suuq geeyo

Puntland waa Deegaanka uu ka soo baxo Meydiga Gaar ahaan Gobolka Gardafuu waxaana dad badani noloshooda ay ku tiirsan tahay geedkaan maydiga ah oo sanadkii ama lixdii bilood mar lasoo guro oo la geeyo xaga iyo xarunta gobolka bari ee Boosaaso halaas oo shaqo badan oo sifayn iyo habeen ah kadib loo dhoofiyo dhica dalalka Carbaha ee Dariska Ah sida isutaga imaaraadka Carbta , Sacuudi Arabia , Cumaan iyo qatar , halkaas oo ay kula wareegaan ganacsato kale ayadoo laga siisto ganacsatadeenba Soomaalida Ah Qiime Go'an.

Dadka Deegaanka ah ee Ku xiran Ka xoogsiga iyo kuwa ka ganacsadaba jijiga xog Dheeraad ah kama hayaan waxtarka xabagta Geedka Xijiga iyo meelaha la geeyo ee uu ku danbeeyo iyo qiimaha uu suuqyada caalamka ka joogo maydiga ay iibgeeyaan.

Waribixntan laga sii daayay Tv caalamiga ah ee Chanel Four ee af ingiriisiga ku baxda ayaa lagu sheegay in xabkaha Meydiga ee loo raro carabaha ay ku yihiin dalalka carbaha Taransi oo looga sii qaado , loona sii iibgeeyo Qaaradaha Yurub , Amerika iyo Australia.

Isticmaalka Xabkaha Maydiga ayaa badanaa loo adeegsadaa sida warbixinta lagu sheegay Kaniisadaha oo aad u isticmaala madama caraf meel dheer ah uu leeyahay aan si dhaqsi ah kudoorsoomin waxana lagu shidaa maaleha laysugu yimaado waxa kale oo laga soo saaraa Salaad la yiraahdo ( frankincense) oo faaiidooyin badan leh aadna loo iibgeeyowaxaa kale oo laga sameeya taakooyinka Kabaha Dumarka nooca qaaliga ah waxa kale oo laga sameeyaa Cosmetikiska nooca ugu qaalisan.

Wirbixinta ayaa Waxaa soo qaaday Wariye jamal Osman oo tagay Deegaano badan , sida magaalada Muudiye , oo aad ku arki doontaan video-ga warbixinta iyo Bakhaarada Ganacsatadu Ku safayso kuna diyaariso Xabkaha Maydiga ee ku yaala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland , waxaana warbixinta ka muuqda sida aysan ganacsatada soo dhoofiya Xijiga aysan u garanay meesha loo qaado iyo meesha ay badeecadoodu kaca dhigan doonto

Daawasho wacan




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Ishaada Suagan ee Waraka Dalka Iyo dunida 
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain