Daawo Video: Xaalufka Ba'an ee lagu hayo Badda Puntland ( Warbixin Naxdin Leh)

Xeebaha Puntland waxaa ka socda Xaaluf Ba'an oo lagu suulinayo kheyraadka Badda Puntland , kaasoo ay wadaan doonyo Shisheeye oo aanu jirin cid kala xisaabtameysa dhibaatada ay wadaan ayagoo isticmaalaaya Qaabab kaluumaysi oo sharci daro ah aduunkana mamnuuc ka ah.

Muuqaal laga soo duubay doonyo iyo laashash si sharci daro ah kaluunka u xaalifinaya ayagoo aan waxna u aabayeelaynin ayaad ku arkaysaa muuqaalkan hoose ayagoo qaabka xaawi -ga layiraahdo kaluunka caydi nool ku qabanaaya.

Doonyaha Shisheeye ee gurta kheyraadka badda puntland ayaa wata Documents looga jaray wasaarada kaluumaysiga puntland oo loogu ogolaaday in ay xalufiyaan kheyraadka badda Puntland.

Magaalooyin xeebeedyada puntland waxaa ku nool dad fac ka fac nolashooda ay ku tiirsaneed kheyraadka badda, waxaana hadda dadkaasi ay dareemayaan nolal xumo iyo dhibaato lagala kulmay kheyraadka Badda puntland ay caanka ku aheyd oo qaarkood ay dabar go’eyn kuwa kalana ay isaga gurtaan la xisaabtan la’aan maraakiib shisheeye.

Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali gaas ayaa ku tilmaamay xaalufka iyo jariifka lagu hayo xeebaha puntland musiibo qaran kadib markii uu madaxwaynuhu indhihiisa ku soo arkay dhibaatada maraakiibtaasi ku hayaan xeebaha iyo kaluumaysatada puntland.

daawo muuqaalka naxdinta badan oo aan loo adkaysan karin sida ay doonyahaasi shisheeye ugu tagrifalayaan khayraadka badda puntland oo hadaan laga soo gaarin oo dawlada Madaxwayne Gaas wax ka qaban saamayn wayn ku yeelan doonta puntland waqti dheer.

Halkaan Hoose Ka Daawo :


 
BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain